Ferdinand Iyo Paul Scholes Oo Isku Raacay Xiddiga Ay Tahay In Solskjaer Uu Ku Illoobo Kaydka Manchester United

Advertisements

Halyeeyadii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand Iyo Paul Scholes ayaa isku raacay laacib ay tahay in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu kaydka u diro kaddib bandhig liita oo uu la yimid kulankii xalay ay 1-0 rikoodhe ahaa kaga adkaadeen West Brom.

Red Devils ayaa guushii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ku heshay garoonkeeda Old Trafford, waxaanay ahayd mid ay ku dhibaatoodeen oo VAR ka joojiyey rikoodhe laga dhalin lahaa, iyagana uu VAR siiyey rikoodhe gool noqday kaas oo toogashii hore laga badbaadiyey Bruno Fernandes laakiin muuqaal caawiyuhu uu caddeeyey in goolhayuhu soo baxay, sidaana loogu celiyey mar kale.

Manchester United may abuurin fursado wanaagsan kulankaas, waxaana inta ugu badan ay kubbadaha ku toosinayeen goolhaye Sam Johnstone oo si fiican ula tacaalay, taasina waxay keentay in Rio Ferdinand Iyo Paul Scholes ay dib ugu noqdaan shaxdii uu Solskjaer kusoo galay garoonka oo ay dalbadaan in laacibkan laga  tuuro.

Advertisements

Scholes oo hadalka ku horreeyey ayaa waxa uu su’aal ka keenay sababta uu Solskjaer laba kubbad-burburiye ugu soo bilaabay ciyaarta iyaduu uu fursadda uga faa’iidaysan karayay hal kubbad-dile iyo kubbad-sameeyeyaal u horseeda goolal ay kooxdu dhaliso.

“Marka aad gurigaaga joogto, waa inaad awood u yeelato inaad in badan kubadda hayso, balse ma ilama aha in tayadaasi jirto labadoodaba (Matic & Fred).” Ayuu yidhi Scholes oo intaa ku daray: “Ha noqoto Fred iyo Matic ama Fred iyo Scott McTominay, waxay ku wanaagsan yihiin inay dib u fadhiistaan oo ay ciyaarta maamulaan, ayna ilaaliyaan difaacyada dhexe, taas oo ah dhab ahaantii sababta ay u ciyaarayaan.

“Dhibaatadu waxay tahay, waxaynu haysanaa difaacyo aan ku fiicnayn inay mid-iyo-mid ku difaacaan. Sidaas ayaanu ugu baahanahay labadan dhex ee dambe si ay u ilaaliyaan afarta dambe.

“Ma jirto sabab iyadoo Old Trafford lagula icyaarayo West Brom loogu baahdo laba ciyaartoy oo dhex dambe ah.”

Rio Ferdinand ayaa isaguna ku waafaqay, waxaanu yidhi: “Dhibaatadu waa taas, marka ay laba xagga dambe fadhiyaan, haddii mid ama labadooduba aanay kubadda baas fiican dhiibi karin, taasi dhibaato weyn ayay abuuraysaa.”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

6 Fekradood

  1. kkkkkkkk hadaba waa kee xidiga ay isku raaceen in kaydaka lagu ilaawo ciwaanka warka iyo faah faahinta danbe ismalahan
    waa sidee xaalkiinu

  2. Xidiga ay isku raaceen kee waaye marka, lacib.net mudo badan waxaad eheedeen majalada sportiska somalida ee ugu wanaagsan lkn bilooyinkaan weey idiinku daadsantahay runtii, hada waxaad dhahdeen xidig ayeey isku raaceen in bench lagu iloobo waa kee hadaba? ma umaleyneeysaan marka tookada labaad in beentiina dadka ay ku sirmi doonaan, war ciyaaraha sharafta haka dilina, sida ciyaal youtube oo beenta views ka ku raadsado ayaad ka dhigteen waxaan wax ka badala. kkkkk

  3. Sida warka idiin ka muuqata in labo xidig oo burburiyaal ah aan loo wada baahneen hal mar saas darteed ay thy in midkood kaydka la dhigo loogana faaidaysto booskaas kubad abuure

  4. Cinwaan ka iyo barnamijku isma laha sidii youtebe layda kucusub saaxada ayaad wax u qoraysaan intaa malaha waad ka waynaydeen

  5. Sida inta ugu badan kesku racay aya ah in ciwanka iyo warbisinta isleheen
    Waxan rajeynayaa in marka xigto wax isk badalaan i.a
    Wish u a good day

  6. Waxa igu Balan ah in aan mar danbe war idinka aqrisan hadad sidan u taliin beenta waa xaran waxad radinaysid xalal ku raadso

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*