FARXADEEEEY!! Kooxdii Steven Gerrard Oo Jamaahiirteedu Jabiyeen Xayiraadda Fayraska, Ibrox Oo Qiiq Qariyey Iyo Rangers Oo HAL Dhibic U Jirta Horyaalka

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Rangers ayaa bilaabay dabbaal-deg iyagoo farxad darteed xasuusan waayay xayiraadaha fayraska Korona ee lagu joojiyey in dadku sameeyaan isku soo bax.

Advertisements

Boqollaal taageereyaal ah ayaa soo buuxiyey barxadda hore ee garoonka Ibrox Stadium ka hor intii aanay bilaabmin ciyaarta Rangers ay ku martigelinaysay St Mirren, taas oo ay ku garaaceen 3-0, isla markaana ay 21 dhibcood kaga  hor mareen Celtic oo kaalinta labaad ku jirta.

Rangers ayaa Axadda berri loo caleemo-saari doonaa horyaalkeedii ugu horreeyey ee Scotland tan iyo sannadkii 2011, iyadoo uu Steven Gerrard oo tababare u ah uu ku hoggaaminayo in ay mar kale noqdaan boqorrada Scotland iyo kooxda ugu horreysa ee xili ciyaareedkan ku guuleysanaysa horyaalka qaaradda Yurub.

Arrinta kaliya ee ka xigta in Rangers lasii caleemo-saaro ayaa waxay tahay in Celtic ay kulankeeda berri ee Dundee United ay hal dhibic lumiso, haddii kale se waxay sugi doonaan marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah oo ay horyaalka isku caleemo-saari doonaan.

Advertisements

Horyaalka Scotland oo sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey ay si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay Celtic ayaa waxa xili ciyaareedkan burburiyey Steven Gerrard oo sannadkii labaad hoggaaminaya Rangers, waxaanu markan dhibco rikoodh ah ku qaadayaa horyaalkaas.

Iyadoo ay lix ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka horyaalka ayay Rangers haysataa 88 dhibcood oo ay ka heshay 32 ciyaarood oo ay dheeshay, halka Celtic oo labaad ku jirtaa ay leedahay 67 dhibcood balse ay u dhiman yihiin toddoba ciyaarood.

Magaalada Glascow ee caasimadda Scotland ayaa sharciga xakamaynta fayrasku ka shaqayn waayey markii ay soo dhowaatay ciyaarta hadda soo dhamaatay, waxaanay boolisku xakamayn kari waayeen dadka jibbaysan ee isku soo baxay.

Magaaladan oo ku jirta darajada afraad ee xakamaynta fayraska oo aan la ogolayn in laba qof ka badan ay meel iskugu yimaaddaan, ayaa waxa sida daadka usoo burqaday boqollaal qof oo lugaynaya oo booliska qasab ku jiiray.

Warbixin ay soo saareen boolisku ayaa waxay ku sheegeen in dad aad u badan ay iskugu soo baxeen bannaanka garoonka Ibrox Stadium ee kooxda Rangers, kuwaas oo u hoggaansami waayey awaamiirta.

Si kastaba, Steven Gerrard ayaa loo magacaabay tababaraha Rangers sannadkii 2018kii, waxaana xili ciyaareedkan uu u rumeeyey riyadoodii ahayd inay horyaalka kasoo dhacdsadaan Celtic oo xafiiltan weyni uu ka dhexeeyo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*