Fariintii Uu Lionel Messi U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Barcelona Joan Laporta Oo La Shaaciyay

Joan Laporta ayaa si furan uga hadlay fariin uu ka helay Lionel Messi ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Barcelona.

Advertisements

Laporta ayaa guul weyn ka gaaray codeyntii shalay isagoo markii labaad madaxweyne u noqonaya kooxda Camp Nou ka dhisan.

58 jirkaan ayaa Barca madaxweyne u ahaa intii u dhaxeysay 2003 iyo 2010 isagoo markaas gaarsiiyay guulo waa weyn, waxayna ku soo aaday xiddiga Messi loo soo dalacsiiyay kooxda koowaad.

Laporta ayaa xiriir fiican la leh xiddiga reer Argentina, wuxuuna si weyn u doonayaa inuu ka saxiixo qandaraas cusub iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaagan.

Advertisements

Ka dib doorashada, madaxweynaha cusub ayaa xaqiijiyay inuu fariin hambalyo ah ka helo kabtanka Barcelona.

“Wax aad u fiican ayay aheyd inaan arko Messi oo codeynaya” ayuu Laporta u sheegay Catalunya Radio saaka. “Waxay cadeyn u tahay inuu jecel yahay Barca.

“Waxaa iga dhaadhacsan inuu doonayo inuu sii joogo kooxda. Wuxuu durbaba ii soo diray fariin uu iigu hambalyeeynayo inaan ku guuleystay doorashada.

“Isaga xitaa shalay wuu badiyay. Waxaan dhawaan yeelan doonaa wadahadalo degan, waxaana go’aansan doonaa mustaqbalkiisa.”

Laporta ayaa xalay balanqaaday inuu wadahadalo la furi doono Messi iyo wakiilkiisa ahna aabihiis Jorge sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Waxaan wici doonaa Lionel Messi. Miyaan ka dhaadhicin doonaa inuu joogo? Isaga ayay ku xirnaan doontaa” ayuu u sheegay RAC1.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo anigoo eegaya dhaqaalaha ay kooxda bixin karto si uu u sii joogo Barca.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*