Ciyaartoyda Arsenal ayaa ku taageeray tababare Mikel Arteta go’aankii layaabka lahaa ee uu Pierre-Emerick Aubameyang kaga tuuray kooxdiisa kulankii North London derby ee ay Axaddii ku garaaceen Tottenham.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la sheegay inuu soo habsaamay isagoo kabtankii kooxda ah, taasina ay keentay in lagu qaado sharciga kooxda dhexdeeda yaalla ah ee in la ciqaabo ciyaartoyga sidaas sameeya.
Ilo-wareedyo kooxda dhexdeeda ah ayaa warbaahinta u sheegay in Aubameyang uu la murmay tababaraha markii uu soo saaray go’aanka, taasina ay keeni karayso in ciqaab kale la marsiiyo.
Si kastaba, qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu saamaynta badan qolka lebbiska Arsenal ayaa la sheegay in ay la safteen tababare Mikel Arteta oo ay ku taageereen go’aanka uu kabtanka kooxda kaydka ku geliyey isagoo ciqaab uga dhigaya.
Aubameyang ayaa ku dooday in saxmadda baabuurta magaalada London darteed uu ku habsaamay, laakiin Mikel Arteta ayaan sinaba u ogolaanin in ciyaartoydu habsaamaan iyagoo marmarsiiyo keenaya.
Kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay Pierre-Emerick Aubameyang oo baabuurkiisa koraya markii ay ciyaartu soo dhamaatay iyadoo gawaadhiga ciyaartoyda kale ee kooxdiisuna ay wada taagan yihiin oo aanay cidina la joogin, taas oo caddayn buuxda u ah inuu iskaga tegay garoonka xilli ciyaartoyda kale gudaha garoonka ku jiraan.
Si kastaba, Mikel Arteta ayaa taageero buuxda ka helay ciyaartoyda kooxdiisa oo ku raacay in sharciga kooxdu dhigatay la ilaaliyo, xattaa haddii uu kabtanku jabiyana lagu qaado.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora