Fadlan Nagula Soo Biir Arsenal – Willian & David Luiz Oo Ka Codsaday Laacib Chelsea Ay Usoo Wada Ciyaareen Inuu Arsenal Kula Soo Biiro

Advertisements

Xiddiga Arsenal ee David Luiz iyo Willian ayaa codsi u diray laacib ay hore ugu wada ciyaareen Chelsea, waxaanay ka dalbeen inuu kula soo biiro Emirates Stadium.

David Luiz iyo Willian ayaa qayb ka qaadanaya qorshaha Mikel Arteta uu dib ugu dhisayo Arsenal, waxaanay xidhiidh la sameeyeen laacib ay waqtiyo farxadeed ku wada qaateen Stamford Bridge oo ay doonayaan inay mar kale midoobaan, isla markaana Gunners u wada raadiyaan guul.

Luis ayaa Arsenal kusoo biiray xagaagii 2019 waxaanu mar kale kordhiyey heshiiskiisa oo uu xili ciyaareedka hadda bilaabmayna kula sii joogo doono, waxaanay is heleen Willian oo isaguna uga soo wareegay Chelsea.

Advertisements

Labadan ciyaartoy ayaa waxay wada-jir ugu gacan haadinayaan kubbad-sameeyaha ay isku waddanka yihiin ee Oscar oo ay Chelsea u wada ciyaareen, haddana ku sugan waddanka China oo uu u ciyaaro kooxda Shanghai SIPG.

Advertisements

29 jirkan reer Brazil ayaa shaaciyey in Luiz iyo Willian ay soo waceen, ayna u sheegeen inuu kula soo biiro Arsenal, waxaanu yidhi: “Way isoo waceen, wayna isoo wici jireen. Sababtoo ah, waxa aanu leenahay xidhiidh wanaagsan. Mararka qaarrkood aniga ayaa la hadla. Waxay igu yidhaahdeen ‘Arsenal kaalay, halkan noogu kaalay'”.

Oscar oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sheegay inay adag tahay in waqtigan uu ugu tago Arsenal oo uu la midoobo asxaabtiisa, waxaanu yidhi: “Laakiin xoogaa aad ayay iigu adag tahay. Sababtoo ah, waxa aan Shanghai kula jiraa heshiis wayna adag tahay inaan ka tago.

“Willian wuxuu dhamaystay heshiiskiisa, waanan ku faraxsanahay inay mar kale isku yimaaddeen. Aad ayaan ugu farxay Willian. Waxa ugu muhiimsanna waa inaad faraxsanaato iyadoon loo eegayn goobta. Sidaa darteed, farxad ayaan u rajaynayaa.”

Oscar ayaa u ciyaaray Chelsea muddo shan sannadood ah oo uu u saftay 203 kulan waxaanu u dhaliyey 38 gool ka hor intii aanay Shanghai SIPG ku iibsanin £60 milyan oo Gini.

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*