Fadeexad Ka Dhalatay Tacsi Ay Luis Figo Iyo Cristiano Ronaldo U Direen Halyeygii NBA-da Kobe Bryant Ee Shilka Diyaaradda Ku Geeriyooday

Advertisements

Waxa hadal hayn badan ka taaagan tahay farriin tacsi ay oo ay labada halyey ee reer Portugal ee Cristiano Ronaldo iyo Luis Figo u direen halyeygii kubadda kolayga NBA-da ee Kobe Bryant oo Axaddii ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Maraykanka.

Kobe Bryant, inan uu dhalay oo 13 jir ah iyo lix qof oo kale ayaa ku dhintay diyaarad Helikobtar ah, waxaanay dunida oo dhan shalay ku jirtay baroorta halyeyga geeriyooday.

Dad badan ayaa ka hadlay qiimihii uu lahaa Kobe Bryant iyo wacdarihii uu garoomada ka dhigi jiray, laakiin laba farriimood oo ka yimid Cristiano Ronaldo iyo Luis Figo ayaa indhaha soo jiitay.

Ronaldo iyo Figo ayaa tacsi isku mid ah oo aan hal erey ku kala duwanayn ku baahiyey barahooda bulshada, waxaana kaliya ay ku kala geddisnaayeen sawirka ay raaciyeen.

“Murugo weynaa warka naxdinta leh ee ku saabsan geerida Kobe iyo gabadhiisa Gianna. Kobe wuxuu ahaa halyey dhab ah iyo tusaalaha in badan. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa, saaxiibbadiisii iyo ehellada dadkii ku geeriyooday shilka. RIP Legend” ayay labadooduba soo qoreen.

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu ku horreeyey tacsida, taasina ka dhigan tahay in Luis Figo uu kasoo koobiyeeyey qoraalka oo kaliya uu ka beddelay sawirka.

Baraha bulshada ayaa lagaga falceliyey tacsida isku midka ah ee Ronaldo iyo Figo, waxaanay dadka qaarkood ku tilmaameen in xoogaa ay nasiib darro tahay inay kala koobiyeystaan balse ereyadu ay kuwo fiican ahaayeen.

Comments are closed.