Faahfaahinta Heshiiska Ay Manchester United Kula Soo Wareegeyso Marcos Llorente

Manchester United ayaa diyaar u ah inay ku soo jiidato Marcos Llorente iyagoo u labo jibaaraya mushaharkiisa sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Advertisements

Wargeyska Isbaanishka ee AS ayaa qoray sida ay Red Devils diyaar ugu tahay inay 68.5 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu sii adkeeyo khadkiisa dhexe madaama kooxdiisa ay haatan hal abuuris ahaan ay ku tiirsan tahay kaliya Bruno Fernandes.

Solskjaer ayaa sidoo kale u muuqda mid aan kalsooni ku qabin saxiixii xagaaga Donny van de Beek iyadoo xiddigaan oo ku fadhiya 35 milyan ginni uu kaliya ku soo bilowday labo kulan oo horyaalka ah.

Advertisements

Llorente oo 26 sanno jir ah ayaa loo arkaa mid horumarin kara khadka dhexe ee Man United isagoo Atletico Madrid u dhaliyay 10 gool islamarkaana caawiye ka noqday sagaal kale xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain ayaa la fahamsan yahay inuu ku faraxsan yahay garoonka Wanda Metropolitano, loomana arko ciyaaryahan suuqa saaran madaama uu fure u noqday tababare Diego Simeone.

Laakiin wararka Spain ka imaanaya ayaa sheegaya in United ay diyaar u tahay inay u labo jibaarto mushaharkiisa oo ay u soo bandhigto mushahar gaaraya 180 kun ginni isbuucii si ay ugu soo jiidaan England.

Atletico ma qorsheyneyso inay iska iibiso xiddigaan laakiin waxaa la rumeysan yahay inay si dhab ah uga fiirsanayaan dalabka Man United madaama dhaqaale xumo ay soo wajahday.

Llorente ayaa muddo dheer Red Devils diirada u saarnaa iyagoo soo bilaabay xiisihiisa bishii Janaayo ee 2020.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*