Erling Haaland Oo Uu Samirkii Ka Dhammaaday & Shuruuda Ay Ku Farxeen Kooxaha Ku Tartamayaa Ee Uu Borussia Dortmund Ku Xidhay

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa la sheegayaa inuu ka dhammaaday samirkii uu ku joogay kooxdaas isla markaana ay jirto shuruud uu ku xidhay fursad kasta oo ay ku doonayaan inuu xilli ciyaareedka dambe kusii joogo Signal Iduna Park.

Advertisements

Waxa baraha bulshada aad ugu baahay muuqaalka Haaland Sabtidii mar uu garoonka cadho kaga baxay isla markaana uu dhulka ku tuuray maaliyada kooxdiisa kulankii Cologne markaas oo uu 2 gool dhaliyay balse kooxdiisu ay dhibco kale lumisay oo ay bar-bardhac 2-2 ah gashay.

Weeraryahanka Norwegian-ka ah oo xilli ciyaareekan 33 gool ugu soo dhaliyay 31 kulan kooxdiisa ayaa u muuqda mid uu ka dhammaaday samirkii uu ku joogay kooxdaas oo ku dhaw inay seegto ka qayb galka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Haatan Borussia Dortmund ayaa afar dhibcood ka dambaysa kooxda booska saddexaad joogta ee Frankfurt xilli ay siddeed kulan ka hadheen xilli ciyaareedka Bundesliga.

Advertisements

Sida lagu sheegay wargeyska AS, Haaland ayaa ka warqaba sida uu ugu baahan yahay inuu ka ciyaaro Champions League xilli ciyaareedka dambe waxaana uu diiday inuu meesha ka saaro inuu ciyaari doono tartankaas 2021-22.

Wargeyska ree Spain ayaa sheegaya in Haaland uu xataa wakiilkiisa Mino Raiola u sheegay inuu shuruud la’aan kaga bixi doono kooxdiisa haddii ay awoodi waydo inay Champions League usoo baxdo xilli ciyaareedka dambe.

Haaland ayaa Dortmund kusoo biiray January 2020 kaddib markii uu qaab cajiib ah ugu soo baxay kooxda ree Austria ee Red Bull Salzburg.

Horumarka uu 20 sano jirkaasi samaynayo ayaa ah mid weyn, kooxo laga xusi karo Chelsea, Man City, Man United iyo Real Madrid ayaa ilaa hadda dhammaantood doonaya,

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*