Ereygii Aflagaadada Ahaa Ee Uu Pep Guardiola Ku Qeexay Erling Haaland

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku tilmaamay Erling Haaland inuu yahay wacal ama baastar ay adag tahay in laga horyimaado ka dib guushii adkeyd ee ay kooxdiisa ka gaartay Borussia Dortmund lugta hore ee wareega 8da Champions League.

Advertisements

Xiddiga reer Norway ayaa ku socda inuu noqdo saxiixii ugu weynaa xagaaga iyadoo aabihiis Alf-Inge iyo wakiilkiisa Mino Raiola ay durbaba wadahadal la yeesheen Barcelona iyo Real Madrid halka City, Chelsea iyo Liverpool ay qorshaha ku jiraan.

Inkastoo uusan shabaqa ka soo taabanin Manchester City kulankii xalay ee Etihad Stadium, wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed uu ku muujinayo sababta uu u yahay xiddig si weyn loo baadigoobayo isagoo jahwareeriyay xiddiga adag Rubin Dias.

Haaland ayaa sidoo kale caawiye ka ahaa goolka ay dhalisay Dortmund ee guuldarada 2-1 isagoo baas u dhigay Marco Reus, iyadoo Guardiola uu qirtay inay adag tahay in ka xakameeyo weeraryahanka kooxda Jarmalka.

Advertisements

Markii la weydiiyay haddii uu la yaabay qaab ciyaareedka Dortmund, Guardiola ayaa u sheegay DAZN ciyaarta ka dib: “Lama yaabin sababtoo ah waxay sidaan oo kale u ciyaareen kulankii Bayern Munich, shan daafac danbe, waana ay la qabsadeen inay sidaan u dheelaan.

“Tayada Dahoud iyo Bellingham iyo dabcan orodkooda afka hore. Sidaasi darteed tayada waa ay taalaa, waana ogsoonahay.

“Marka aad dooneyso inaad raacato waxay bilaabayaan inay ciyaaraan kubada dhaadheer oo ay u dhigaan Haaland. Haaland waa wacal ama baastar – sida uu ciyaarta u la heysto mar walba waa mid aad u fiican ka dib waxay heystaan orod.

“Sidaasi darteed waan ogeyn inaysan sahlaneyn inaan koontaroolno iyaga, laakiin isla waqtigaas waxaa heysanay laxan aan ku ciyaaro oo aan ku abuurno fursado waqtigii ugu haboonaa.”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*