Ereyadii Aflagaadada Aheyd Ee Uu Lionel Messi Ku Yiri Xiddigii Ka Careysiiyay Kulankii Sabtidii Oo La Soo Bandhigay

Advertisements

Lionel Messi ayaa aflagaadeeyay ciyaaryahan ka horyimid Sabtidii Javier Ribelles isagoo ku tilmaamay “f*to” iyo “doqon” intii ay socotay kulankii saaxiibtinimo ee ay Barcelona la ciyaartay kooxda Gimmastic sida uu sheegay xiddiga la aflagaadeeyay.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa ka soo muuqday kulankii saaxiibtinimo ee ay Barcelona 3-1 uga badisay kooxda heerka seddexaad ee Gimnastic de Tarragona isagoo ciyaaray 45tii daqiiqo ee ugu horeysay si uu u helo taam ahaansho buuxda.

Laakiin inkastoo aysan ku cusbeyn inuu jug kala kulmo daafacyada, Messi ayaa u muuqday mid ka carooday jug uu kala kulmay Javier Ribelles.

Advertisements

28 jirka Ribelles ayaa sheegay ciyaarta ka dib in Messi uu ku qeyliyay isagoo oranaya: “Doqonyahow maxaad sameyneysaa?”

“Iga jooji haraantida, f*tayaheey”

Laakiin inkastoo ciyaarta ay aheyd mid saaxiibtinimo hadana Ribelles ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu u qafiifiyo Mess.

Wuxuu yiri: “Waa ay iska cadeyd in Messi uu awoodi waayay inuu dhankeyga u soo jeesto, sababtoo ah haddii uu i soo wajaho, waa ay adkaan laheyd inaan kubada ka difaacdo.

“Waana sababta aan gadaal uga raacday, wax walba oo aan kubada uga difaacan kara waan sameynayaa haddii ay tahay inaan isticmaalo cagteyda gacmaheyga iyo xabadkeyga.

28 jirka Ribelles ayaase sheegay inuu si fiican uga jawaab celiyay carada uu kala kulmay 33 jirka reer Argentina isagoo Messi u sheegay:

“Madaama aad tahay xiddiga ugu fiican waan ku qasbanahay inaan ku haraantiyo, kuuma ogolaan karo inaad soo jeesato sababtoo ah waad i garaaceysaa”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Ma ilaawin alphonso Davies markasuu caruurta caynayaa doqon nacas weye wllhi nin rageed waa cr7 juventus king🤩🤩

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*