Emile Heskey: “Steven Gerrard Iyo Frank Lampard Waxay Shaqo Tababarenimo Ku Heleen Inay Cadaan Yihiin, Madowga Cidna Ma Dalacsiiso”

Advertisements

Emile Heskey ayaa aaminsan inay u sahlan tahay raga sida Frank Lampard iyo Steven Gerrard inay shaqo tababare oo heer sarre ah helaan madaama ay cadaan yihiin.

Weeraryahankii hore ee Ingariiska oo 41 sanno jir ah ayaa u sheegay wargeyska The Times in takoor uu ka dhex jiro kubada cagta.

Wuxuu sheegay in tababaraha Chelsea Lampard iyo macalinka Rangers Gerrard inay shaqo weyn ku heleen waqti kooban sababo la xiriira midabka maqaarkooda.

Heskey ayaa yiri: Boqolkiiba 100 waa ay u sahlan tahay iyaga.

“Sababta ugu weyn ee ay ku heleen shaqooyinkaas waxaan kaliya farta ku fiiqi karaa midabka maqaarkooda.”

Heskey oo 100 gool oo Premier League ah u soo dhaliyay kooxaha Liverpool, Leicester iyo Birmingham ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta Ingariiska uu isku dayayo inay caawiyaan tababarayaasha madowga ah laakiin waxa uu su’aal ka keenay inay dhab ka tahay caawintooda.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Miyaan aaminsanahay inay jirto caqabad hortaagan tababarayaasha madow? haa.

“FA-ga waxay nagu yiraahdeen ‘Waxaad shaqo tababarenimo ka qabaneysaan xarunta tababarka England ee St George’s Park taas ayaa idinka caawineysa inaad kor u kortaan salaanka.

“Markii aan eegay qorshahooda wuxuu iila muuqday mid kaliya ay tirada ku saxanayaan oo ay doonayaan inay isaga tiraan eeda ah inaysan waxba u qabanin tababarayaasha madowga ah. Shaqada aan rabo waa mid kooxeed oo aan maalinba maalinta ku xigta ciyaartoyda caawin karo.

“Qof walba ayaa ku dhahaya soo qaado leysanka tababare oo aan haatan sameynayo, laakiin tababaraha haatan England hogaaminaya isagoo aan leysan heysan ayuu Middlesbrough tababare ugu ahaa Premier League.

Advertisements

“Waxaan heynaa ciyaartoy sumcad xumo lagu yaqaano oo dadka garaaci jiray maantana shaqo tababare heysta, anigana salaanka kor uma kori karo.

“Qiyaasteyda waxa ay tahay in sababta kaliya aan shaqo u helin karin inay tahay in la aaminsan yahay in tababarayaasha madow aysan ka soo bixi karin shaqada.”

Comments are closed.