Emile Heskey Oo Liverpool U Kala Dooray Sancho, Haaland Iyo Kylian Mbappe.

Halyaygii hore ee kooxda Liverpool ee Emile Heskey ayaa maamulka kooxdiisii hore ee Reds waxa uu kula taliyay in ay  Jadon Sancho la soo saxiixdaan kaas oo uu sheegay in uu ka dooran lahaa Kylian Mbappe iyo Erling Haaland oo iyagana marar kala duwan Liverpool lala xidhiidhinayay.

Emile Heskey ayaa aaminsan in Liverpool ay tahay inay la soo saxiixato da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo ay kula tartamayaan kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Laakiin in Emile Heskey uu Sancho dhaafiyay Haaland iyo Mbappe ayaa u muuqata sida wayn ee uu u doonayo in kooxdiisii hore ee Liverpool ay da’yarka reer England xagaaganla soo saxiixato.

Emile Heskey oo ka hadlaya in uu Liverpool u doori lahaa Sancho marka la barbar dhigo Mabppe iyo Haaland ayaa warayska Metro u sheegay: “Anigu waxaan Liverpool saddexdooda u doori lahaa Sancho. Mabppe waa ciyaartoy cajiib ah kaas oo ah ciyaartoy kale oo sii wada in uu soo baxo isla markaana sii wadi doona in uu ka sii fiicnaado oo uu ka sii fiicnaado”.

Gool dhaliyihii Liverpool ee Emile Heskey  ayaa sharaxay sababta uu Reds ugu dooray Sancho ee aanu indhaha u dhaafiyay Mbappe iyo Haaland wuxuuna yidhi: “Way adag tahay, sababtoo ah waxaa waajib ah in aad Liverpool u doorto ciyartoy kaas oo in ka badan weerarka dhexe ah garabka weerarka, laakiin markale, gool dhalinta Haaland waa qodob muhiim ah”.

“Anigu waxaan ku tagayaa in aan haysan lahaa oo aan sheego in Sancho uu fiicnaan lahaa, in uu yahay ciyaartoy Ingiriis ah iyo in uu sidoo kale yahay ciyaartoy madadaaliye fiican ah”. ayuu Heskey hadalkiisa raaciyay.

Ugu danbayn Emile Heskey ayaa aaminsan in haddii ay Liverpool hesho Sancho ama xidig la mid ah in uu difaacyada argagax galin doono wuxuuna yidhi: “Waxaan odhan lahaa qof sidaas oo kale ah kaas oo ku fiican garabka oo argagax galinaya difaacyada”.

Liverpool oo aan tan iyo xagaagii la soo dhaafay lacag badan suuqa galin ayaa la filayaa in suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan ay saxiixyo muhiim ah samayn doonto halka xidigo hadda jooga Anfield ay bixitaan isku diyaarin doonaan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*