El Hadji Diouf, Balotelli Iyo Poulsen – Akhriso 25kii Saxeex Ee Ugu Xumaa Ee Liverpool Samaysay

Xiddigii reer Senegal ee El Hadji Diouf ayaa ka mid noqday saxeexyadii ugu xumaa ee ay kooxda Liverpool samaysay intii uu horyaalku sitay magaca Premier League oo kasoo laabanatay horraantii 1990-meeyadii.

Advertisements

Liverpool ayey muddo soddon sannadood ah ku qaadatay in ay ku guuleysato horyaalka Premier League, waxaanay abaartaas soo afjareen xilli ciyaareedkii hore, iyadoo uu tababare Jurgen Klopp noqday macallinka derbiga dumiyey.

Toddoba tababare oo rasmi ah ayaa soo maray Liverpool tan iyo 1992kii oo ahayd waqtigii uu horyaalku qaatay magaca Premier League, waxaanay dhamaan tababareyaashaasi ka tageen naadiga iyagoo aan wax koob horyaalka ah calfanin.

Jurgen Klopp oo ah tababarihii siddeedaad ayaa ka badbaaday in uu raaco liiskaas, waxaana uu awood u yeeshay in uu ku guuleysto horyaalka ay muddada dheer kooxdu u dhibaatoonaysay.

Advertisements

Dhamaan macallimiintan ayaa sameeyey xeelad kasta oo ay kooxda guul ku gaadhsiin karayaan, waxaanay suuqa geliyeen lacago badan oo ay kusoo iibsadeen ciyaartooyo aan awoodin inay ku hoggaamiyaan koobka ay muddada raadinaysay, iyagoo waliba ku badhxayey laacibiin kale oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta.

Si kastaba, 25 ka mid ah ciyaartoydaas ayaa lagu daray liiska khasaaraha kooxda iyagoo noqday saxeexyadii ugu liitay ee ay kooxdu samaysay tan iyo waqtigaas.

Halkan kaga bogo magacyada ciyaartoydan iyo boosaskii ay ka ciyaarayeen:

Goolhayeyaal: Danielle Padelli, Adam Bogdan, Charles Itandje

Advertisements

Difaacyahanno: Paul Konchesky, Josemi, Torben Piechnik, Christian Ziege, Mauricio Pellegrino, Gabriel Paletta, Philipp Degen, Aly Cissokho, Julian Dicks

Khadka Dhexe: Alberto Aquilani, Jean-Michel Ferri, Bruno Cheyrou, Lazar Markovic, Christian Poulsen, Bernard Diomede, Antonio Nunez, Oussama Assaidi

Weerarka: Milan Jovanovic, El Hadji Diouf, Sean Dundee, Mario Balotelli, Fabio Borini

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*