Edinson Cavani Oo Go’aan Ka Gaadhay Dalab Laba Sannadood Iyo Badh Ah Oo Manchester United Uu Ka Helay – Miyuu Usoo Dhaqaaqayaa Old Trafford Mise …?

Advertisements

Manchester United ayaa qandaraas laba sannadood iyo badh ah u bandhigtay weeraryahanka PSG ee Edinson Cavani, kaas oo ay doonayso inuu xalliyo dhibaatada ka haysata dhalinta goolasha oo laacibkii kali ahaa ee wax u dhalin jirayna uu ka dhaawacmay.

32 jirka reer Uruguay oo heshiiska uu kula jiro PSG uu dhamaanayo dhamaadka xili ciyaareedkan ayaa iska diiday inuu ogolaado heshiis cusub oo ay kooxdiisu usoo bandhigtay, waxaana la rumaysan yahay inuu doonayo in dibedda uu uga baxo waddanka Faransiiska oo uu joogay tan iyo markii uu ka tegay Napoli.

Sida uu qoray wargeyska Soccer Link, Manchester United ayaa xidhiidh toos ah la samaysay Edinson Cavani, waxaanay u bandhigtay heshiis laba sannadood iyo badh ah oo uu sannadkii ku qaadan doonto £10.1 milyan Gini oo mushahar ah iyo £2.5 milyan Gini oo kale oo gunnooyin ah, laakiin laacibka reer Urugay ayaa la sheegay inuu iska diiday dalabka lacagta badan wata ee ay United u gudbisay.

Advertisements

Cavani waxa uu u sheegay Manchester United in aanu wax xiiso ah u haynin horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League, laakiin uu doonayo meel kale, taas oo la fahamsan yahay inay tahay Atletico Madrid oo lala xidhiidhinayo.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga badiyey, ayaa waxa kooxdiisa Manchester United ay kulanka ugu soo horreeya Premier League kusoo dhoweyn doontaa Wolves oo la ogyahay inay tahay koox dhibaato badan ku abuurta kooxaha waaweyn.

 

 

Comments are closed.