€16.8 Milyan Qaado Oo Iska Kaalay Arsenal – Mesut Ozil Oo Looga Hiiliyey Mikel Arteta

Advertisements

Mesut Ozil ayaa helay dalab uu kusoo afjari karayo toddoba sannadood oo uu ka ciyaarayay Emirates Stadium isaga oo xidhan funaanadda Arsenal, kuwaas oo ku dambeeyey in uu kursiga kaydka fadhiyo ama aan liiska kooxdaba lagu soo darin muddooyinkii u dambeeyey.

Sida uu qoray wargeyska Fanatik ee kasoo baxa waddanka Turkiga, Kooxda ka dhisan Sucuudiga ee Al Nassr ayaa xidhiidh la samaysay kubbad-sameeyahan reer Germany, waxaanay usii martay wakiilkiisa iyagoo doonaya inuu usoo guuro dhulka barakaysan ee boqortooyada Sucuudiga oo uu kusoo dhowaado KABCADA.

Warku waxa uu sheegay in Al Nassr ay u ballanqaaday Ozil mushahar dhan €16.8 milyan oo Euro, isla markaana ay ku rajo weyn tahay inuu u saxeexi doono heshiis xor ah oo uu Gunners kaga iman doono.

Advertisements

Arsenal ayaa la sheegay inay doonayso in Ozil uu iska tago, laakiin laacibkan ayaa ku adkaysanaya in haddii heshiiskiisa la kansalo ay siiyaan lacagta uu mushaharka u qaadan lahaa sannadka uga hadhsan qandaraaskiisa Emirates.

Ozil ayaa sannadkii 2018 waxa uu Arsenal u saxeexay heshiis cusub oo uu toddobaadkii mushahar ahaan ugu qaato £350,000 Gini, laakiin tababare Unai Emery iyo Mikel Arteta oo iskaga dambeeyey Gunners ayaa u muujiyey niyad aan wanaagsanayn, taas oo keentay in kursiga kaydka uu ku jiro ama liiska kooxdaba laga reebo.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*