Dumarka Talyaaniga Oo U Codeeyay Tababarayaasha Ugu Quruxda Badan Horyaalka Serie A & Xiddig Hore Oo Caan Ah Oo Kaalinta 1aad Soo Galay

Advertisements

Tababaraha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa loogu codeeyay inuu yahay tababaraha ugu muuqaalka qurxoon horyaalka Serie A iyadoo kaalinta labaad soo galay tababaraha kooxda Cagliari, Eusebio Di Francesco iyo Pippo Inzaghi oo tababare u ah kooxda Benevento.

Codbixinta oo ay qaaday shabakada guurka doonka ee Talyaaniga ee lagu magacaabo Joyclib ayaa waxaa lagu doortay tababarayaasha ugu muuqaalka qurxoon horyaalka Talyaaniga.

Pirlo oo aan weli sugaya kulankiisii ugu horeysay ee tan iyo markii tababare loo magacaabay ayaa soo garkiisa ku soo jiitay boqolkiiba 23 dumarkii ka qeyb qaatay codeyntaan iyadoo 41 jirkaan ay dumarka u arkeen midka ugu muuqaalka qurxoon tababarayaasha horyaalka Serie A.

Advertisements

Waxaa labaad soo galay Di Francesco oo ku guuleystay codadka boqolkiiba 15, waxaa soo raacay tababaraha kooxda Benevento Pippo Inzaghi oo ku guuleystay boqolkiiba 14.

Tababaraha Napioli Gennaro Gattuso ayaa soo galay kaalinta afaraad isagoo helay boqolkiiba 10.17 codadkii la dhiibtay halka tababaraha Roma Paulo Foncesca uu galay kaalinta shanaad isagoo helay codadka boqolkiiba 7.2

Macalinka Inter Milan Antonio Conte ayaa kaalinta lixaad soo galay halka kaalinta todobaad uu soo galay tababaraha kooxda Sassuolo oo lagu magacaabo Roberto De Zerbi.

Tababaraha kooxda AC Milan Stefano Pioli ayaa kaalinta 8aad soo galay.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*