Douglas Costa Oo Wakhtigii Dhimashada Juventus Guul U Horseeday & Marwada Oo Xaqiijisay Usoo Bixitaanka Wareega 16-ka.

Advertisements

Gool uu daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta dhaliyay Douglas Costa ayaa Juventus u horseeday iney 1-2 kaga badiso kooxda Lokomotiv Moscow ee ka dhisan dalka Russia, waxeyna aheyd guushii saddexaad oo ay tartankaan ka gaarto fasalkaan.

Natiijadaan waxey keentay iney Juventus usoo baxdo wareega 16-ka koobka horyaalada yurub, 10-dhibcood ayey shaqeysteen halka kooxda kaalinta labaad ay leedahay 7-dhibcood waana Atletico Madrid oo la ciyaareysa caawa Bayer Leverkusen.

Kooxda Lokomotiv Moscow waxey rajo yar ka leedahay iney gaarto tartanka UEFA Europa League hadii aysan Leverkusen helin natiijooyin fiican kulamada u haray, 3-dhibcood ayey heleen afar kulan oo ay tartanka ciyaareen waana kooxda kaalinta 3-aad.

Bianconerri waxey Moscow kala kulantay dhibaato aan yareen, Aaron Ramsey ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Juventus kadib markii uu ku taabtay kubad uu goolhayaha dhaafiyay Ronaldo, xiddiga reer Wales ayaana sidaas ku dhaliyay goolkii 300-aad ee Juventus ay ka dhaliso koobka horyaalada yurub.

Isla qeybta hore ciyaarta ayey kooxda martida loo ahaa heleen goolka barbardhaca, waxaana si fudud shabaqa ugu leexiyay Aleksey Miranchuk.

Advertisements

Douglas Costa ayaa noqday geesiga marwada duqda ah kadib markii wakhtigii dhimashada uu ka dhaliyay kooxda martida ah gool caaqibo leh, waxaana ka qeyb qaatay Gonzalo Higuain oo cirib qurux badan ku caawiyay.

Si kastaba Bianconerri waxey iska xaadirisay wareega 16-aad ee koobka horyaalada yurub, muddo kadib ayaana Ronaldo laga soo saaray garoonka iyadoo lagu badalay Dybala.

Comments are closed.