Douglas Costa Oo Kashifay Faa’iidada Ay Ciyaartoyda Juventus Ku Qabaan Cristiano Ronaldo.

Advertisements

Weeraryahanka Juventus Douglas Costa ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu saameyn muuqata oo dhanka cuntada ah ay sameeyeen dhamaan ciyaartoyda Juventus tan iyo markii uu xiddiga reer Portugal soo gaaray magaalada Turin.

Xiddigaan reer Brazil wuxuu ka dhawaajiyay in joogitaanka Ronaldo ee kooxda ay keentay in dhawr ciyaartoy ay iska yareeyeen cayilka, sidoo kalana uu qudhiisa dareemayo inuu wax badan ka faa’iiday kabtanka Portugal.

“Nafteyda si wanaagsan ayaan u quudiyaa, balse hadda in ka badan sidii hore, waxaan ahay 29-jir, waana dareemayaa” ayuu yiri Costa.

“Mar walba waxaan aragnaa Ronaldo oo aan funaanad xirneyn, qaab dhismeedkiisa waa mid laga heli karo”

“Qof walba waxey ku hogaamisay iney sidaas sameyso, dhamaanteen waxaan dooneynaa inaan sidiisa oo kale noqono”

Advertisements

“Laga soo bilaabo maalintuu kooxda yimid, boqoleyda cayilka ciyaartoyda kooxda saarnaa hoos ayuu u dhacay”

“Waa wax cajiib ah, wax badan ayuu naga caawiyay”

Comments are closed.