Dimitar Berbatov Oo Saadaal Lama Filaan Ah Ka Bixiyay Kulanka Arsenal vs Chelsea

Xiddigii hore ee Manchester United iyo Tottenham Dimitar Berbatov ayaa difaacay tababaraha qarka u saaran in la ceyriyo ee Arsenal isagoo sheegay inuu weli waqti u baahan yahay halka uu saadaal lama filaan ah ka bixiyay kulanka dag ee Chelsea iyo Arsenal ee maalinta Boxing Day.

Advertisements

Arsenal ayaa kaalinta 15aad uga jirta kala sareynta Premier League waxay afar dhibcood ka sareeyaan booska lagu haro iyagoo aan sidoo kale badinin todobadii kulan ee ugu danbeysay.

“Arsenal dhibaato rasmi ah ayay ku jirtaa laakiin waxaan weli aaminsanahay in Mikel Arteta uu dhanka kale wax u rogi doono” ayuu yiri Berbatov.

“Todobaadkii la soo dhaafay, waxaan sheegay in Arteta uu u qalmo waqti badan laakiin tan iyo markaas waxaa soo gaaray labo guuldarro kale.

“Gunners dagaal ayay ku soo bandhigeysaa garoonka laakiin weli ma soo bandhigayaan qaab ciyaareedkii laga doonayay.

“Arteta waa tababare da’ yar, waxaadna dhihi kartaa nasiib ayuu ku lahaa in fursad loo siiyo inuu maamulo Arsenal.

“Ninkii uu u shaqeyn jiray Pep Guardiola ayaa sheegay in Arteta aan la ceyrinin, mana doonayo inaan la murmo Pep”.

Xiddigii hore ee Tottenham ayaa hadalkiisa raaciyay: “Arsenal boorka ayay iska jafi doontaa maalinta Boxing Day kulanka ay la ciyaarayaan Chelsea.

“Waxaan arkaa natiijo lama filaan ah, iyadoo Gunners ay badineyso.

“Waa in nasiibkooda uu isbedelo waqti ay tahayba, kulanka London Derby, koox ay ku garaaceen finalkii FA Cup ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa siin kara kalsoonidii ay u baahnaayeen.”

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*