Dimitar Berbatov Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka Weyn Ee U Dhaxeeya Liverpool Iyo Man City – Kooxdee Ayuu Guusha Siiyay?

Advertisements

Weeraryahankii hore Man United Dimitar Berbarov ayaa aaminsan in Man City ay soo yareyn doonto farqiga dhibcaha ee looga haayo hoganka Premier League marka ay caawa Anfield kula ciyaaraan Liverpool.

Reds ayaa hogaanka horyaalka u heysa shan dhibcood iyadoo ka sarreysa kooxaha Leicester City iyo Chelsea oo isku dhibco ah, halka Citizens oo fadhisa booska 4-aad ay lix dhibcodo ka hooseyso kooxda hogaanka heysa.

Si kastaba Berbatov wuxuu aaminsan yahay in Pep Guardiola iyo wiilashiisa ay iska dhaqi doonaan ceebta ka heysata garoonka Anfield, markii ugu horreysay tan iyo 2003 ay kusoo badin doonaan.

“Cid walba oo ciyaarta goolka, uma maleynaayo iney walwal badan ku heyso Guariola maadaama uu kalsooni ku qabo Claudio Bravo” ayuu yiri Berbatov oo la hadlayay Metro.

“Pep wuxuu hiigsanayaa inuu Anfield kasoo baxo isagoo saddex dhibcood gacanta ku heysta”

Advertisements

“Waxey noqon doontaa ciyaar adag, qeybta hore waa hubaal inuu tartan xeeladeed jiri doono, balse waxey ila tahay in Man City ay guusha heli doonto soona yareyn doonto farqiga hogaanka”

Claudio Bravo ayaa kusoo bilaabanaya ciyaartii ugu horreysay horayalka muddo 18-bilood ah, balse Pep Guardiola wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu ku kalsoon yahay goolhayaha reer Chila.

9 responses to “Dimitar Berbatov Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka Weyn Ee U Dhaxeeya Liverpool Iyo Man City – Kooxdee Ayuu Guusha Siiyay?”

  1. Liver waxay BUSKA ku Parkin doontaa Goolkooda. Raggii weer arka Waana ayaa ka hor imanaya. Wxay talo Saaran doonaan weeraro gaadmo ah, Taasina Championimmo magarsiindoontoo. Viva Ethihad.

  2. We are liverpool this means more and this is anfield waar man city waxaad leedihiin liverpool ayaad ka badinaysaa laakiin barcelona oo man city 4-0 kaga badisay ayaa iyada lafteeda 4-0 lagaga badiyay look back at the history

  3. Vidio aaminsan Anfield Ayaan guul Ku gaareynaa sakiinta topaz iyo Botha Bada isku liqa miyirkiina Ayaa hagaagayee

    • Livarp00l waanu hupna inay isha allaH kupadi nayz0 gar00n keeda
      Waxanu sugnapa waa sadexda dhipc00d
      Ee anu kaheli d00na k00xda uu wat0 pep gardiola 00 inbadan aanu sugaynay livarp00l insha allaH guuL
      3-0

  4. Reer Looserpool game 6bilood kahor ahaa bay wali sheegsheegayaan warwuxu mangabsanaa ma astonvillaa kkkkk CAAWANA city guul