Dimitar Berbatov: Messi Iyo Ronaldo Ayaa Ku Dhibtoon Lahaa Inay Gool U Dhaliyaan Kooxda Solskjaer Ee Man United

Advertisements

Ma ahan wax qarsoon in Manchester United ay ku jirto xaalad mugdi ah waqti xaadirkaan.

Kooxda Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 12aad ee kala sareynta horyaalka Premier League iyagoo sagaal dhibcood ka helay sideedii kulan ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Xiddigo muhiim ah oo qaab ciyaareed liita ku jira, dhaawacyo isbiirsaday iyo taatikada Ole Gunnar Solskjaer ayaa saameyn weyn ku yeeshay kooxda ugu koobabka badan horyaalka Ingariiska,

Awoodooda dhanka weerarka ayaa si weyn hoos ugu dhacday tan iyo markii ay kooxda iska iibisay Romelu Lukaku oo ay ku biiray xagaagii Inter Milan.

Xiddigii hore ee Manchester United Dimitar Berbatov ayaa farta ku fiiqay dhibaatada heysata Manchester United ka dib guuldaradii ku soo gaartay garoonka St James Park ee Newcastle.

Waxa uu tilmaamay in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ku dhibtoon lahaa inay gool u dhaliyaan kooxda Solskjaer.

Advertisements

Berbatov ayaa yiri: “Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo waxa uu noqon doonaa mid adag, Manchester United ma ahan koox tayo ku soo bandhigeysa garoonka waqti xaadirkaan.

“Waxba ma ahan sida uu ciyaaryahan u fiican. Messi ama Cristiano Ronaldo ayaa aadi kara Man United, waxaana ku dhibtoon lahaayeen sababtoo ah kooxda tayo ahaan ma ahan mid wax soo bandhigeysa”

Comments are closed.