DIGNIIN: Ha Daawan Haddii Aad Qalbi Jilicsan Tahay, Son Oo Oohinta Xejisan Waayay Kadib Dhaawac Murugo Leh Oo Uu U Gaystay Andre Gomes.

Advertisements

Xidiga kooxda Tottenham ee Heung-min Son ayaa u adkaysan kari waayay dhaawac musuubo ah oo uu gaadhsiiyay xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Everton ee Andre Gomes.

Heung-min Son ayaa qalad ku galay Gomes waxaana loo taagay kaadhka cas laakiin murugada ugu wayni may ahayn in ciyaarta laga saaray iyo in uu kaadhka cas qaatay balse waxa uu oohinta la xejisan kari waayay wixii uu ku arkay lugta Gomes.

Adre Gomes ayay gabi ahaanba lugtiisu kala wareegtay wuxuuna Heung-min Son soo kacay si uu u arko xanuun badan ee uu Gomes dhulka ugu rafanayay laakiin markii uu arkay sida ay lugta xidiga reer Portugal noqotay waxa uu gabi ahaanba Heung-min Son noqday mid qalbi jabay.

Ciyaartoyda kooxaha Everton iyo Tottenham ayaa la kulmay arin naxdin iyo amakaag ku noqotay kadib markii ay lugta Gomes wareegtay xagal 90 degree ah isla markaana ay ciyaartoydu u adkaysan kari waayeen wixii ay indhahoodu qabteen.

Fadlan haddii aad ka mid tahay dadka aan u adkaysan karin dhibaatooyinka qaarkood ha daawaan muuqaalka hoose iyada oo Gomes laga dhex qaaday garoonka kadib dhaawac musiibo ah oo ku habsaday.

Advertisements

Heung-min Son ayaa garoonka ka bixi kari waayay wuxuuna arkay taakal uu sameeyay oo gabi ahaanba halis galiyay nolasha mid ka mid ah xirfadlayaasha ay premier League ka wada ciyaaraan.

Halkan ka daawo muuqaalka naxdinta leh ee uu Heung-min Son u gaystay Gomes haddii aad awood u yeelan karto in xaaladan aad indhaha siin karto.

2 responses to “DIGNIIN: Ha Daawan Haddii Aad Qalbi Jilicsan Tahay, Son Oo Oohinta Xejisan Waayay Kadib Dhaawac Murugo Leh Oo Uu U Gaystay Andre Gomes.”

  1. Isaga ma ahayn khaladka waxaa lahaa serge Aurier. aad buu u niyad jabay waa in dib laga tuso inaysan khaladkiisa ahayn