Diego Simeone ayaa noqday tababarihii ugu wanaagsanaa heerka naadiyada tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana lagu maamuusay shaqadii cajiibka ahayd ee uu ka qabtay Atletico Madrid laga soo bilaabo sannadkii 2011.
Simeone ayaa Atletico Madrid ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida muddo sagaal sannadood iyo badh ah oo uu joogay, iyadoo waliba aanu helin dhaqaale badan oo uu kooxda ku maal-geliyo.
Tababaraha reer Argentina ayaa muddadii uu joogay kooxdan waxa uu u qaaday horyaalka LaLiga, Copa del Rey, Spanish Super Cup, Europa League oo laba jeer ah iyo UEFA Super Cup oo laba jeer ah.
50 jirkan ayaa qiimayn la sameeyey waxay muujisay in qaabka uu u shaqeeyey ee naadi liitay uu uga dhigay mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan iyadoo aanu waliba helin lacag, ay taasi ka dhigayso tababare ka wanaagsan kuwa lacagta ku adeegta ee Pep Guardiola iyo Jose Mourinho.
Qiimayn International Federation of Football History & Statistics (IFFHS) ku samaysay tababareyaashii ugu wanaagsanaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey oo ah intii u dhaxaysay 2011-2020 ayaa waxay muujisay in Simeone uu kaaointa koowaad ku jiro.
Real Madrid iyo Barcelona oo lacago badan adeegsanaya ayuu horyaalka ka qaaday, sidoo kalena waxay kooxdiisu tahay mid laga sii calaacalo tartamada Yurub.
International Federation of Football History & Statistics (IFFHS) ayaa qiimaynteeda waxay ku sallaysay qaab dhibco ah, waxaana ugu batay Simeone halka uu ugu liito Laurent Blanc oo PSG soo hoggaamiyey, balse waxa kale oo iyaguna meelo hoose ku jira Arsene Wenger iyo Ernesto Valverde.
Halkan kaga bogo 20ka tababare ee ugu wanaagsan:
20. Laurent Blanc (France) – 21 dhibcood
19. Jesse Marsh (USA) – 22 dhibcood
=17. Leonardo Jardim (Portugal) – 25 dhibcood
=17. Arsene Wenger (France) – 25 dhibcood
16. Ernesto Valverde (Spain) – 26 dhibcood
15. Jupp Heynckes (Germany) – 34 dhibcood
=13. Luis Enrique (Spain) – 35 dhibcood
=13. Sir Alex Ferguson (Scotland) – 35 dhibcood
12. Claudio Ranieri (Italy) – 36 dhibcood
11. Antonio Conte (Italy) – 53 dhibcood
=9. Marcelo Gallardo (Argentina) – 56 dhibcood
=9. Mauricio Pochettino (Argentina) – 56 dhibcood
8. Carlo Ancelotti (Italy) – 57 dhibcood
7. Zinedine Zidane (France) – 59 dhibcood
6. Unai Emery (Spain) – 70 dhibcood
5. Max Allegri (Italy) – 77 dhibcood
4. Jose Mourinho (Portugal) – 91 dhibcood
3. Jurgen Klopp (Germany) – 105 dhibcood
2. Pep Guardiola (Spain) – 144 dhibcood
1. Diego Simeone (Argentina) – 152 dhibcood
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora