Diego Simeone Oo Tababare Premier League Ka Dheela Ku Tilmaamay Tababaraha Uu Ixtiraamka Ugu Badan U Hayo Iyo Sababta

Advertisements

​Diego Simeone marnaba ma aheyn in la ganbada hadalkiisa, waxaana uu haatan si furan uga hadlay tababare ay koob ku tartamayaan xilli ciyaareedkan.

Tababaraha uu ixtiraamka ugu badan u hayo Diego Simeone waa macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp.

Waxaa jira meelo badan oo ay isaga mid yihiin labadaan nin ee u kala dhashay Argentina iyo Germany, tababaraha Atletico Madrid ayaa amaan kala duldhacay Klopp.

“Tababare aan ixtiraamo? Jurgen Klopp shaki la’aan” ayuu Diego Simeone u sheegay warbaahinta Isbaanishka ee El Larguero.

“Wax badan ayuu guuldareystay sidoo kalena wax badan oo qurux badan ayuu ku guuleystay, laakiin marnaba qaabkiisa ciyaareed isma bedelin. Waxaan arkaa inuu xiriir dhow la leeyahay ciyaartoydiisa.”

Simeone oo isna xiriir dhow la leh xiddigihiisa Atletico Madrid ayaa tilmaamay in guul iyo guuldaraba uusan Klopp waxba ka bedelin falfasadiisa ciyaareed.

Labada tababare ayaa ku guuldareystay final Champions League Klopp oo guuldarro ay ku soo wajahday Borussia Dortmund iyo Liverpool halka Atletico iyagana ay ku kufeen finalka.

Advertisements

Laakiin labada nin ayaa sidoo kale guulo waa weyn la gaaray kooxdooda.

​Atletico waxa ay horyaalka La Liga ka qaaday kooxaha quwada weyn ee Real Madrid iyo Barcelona halka Liverpool ay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee Champions League.

Comments are closed.