Diego Simeone Oo Magacaabay Xiddiga Uu Ka Xanuunsaday Bixitaankiisa In Ka Badan Antoine Griezmann

Advertisements

Atletico Madrid waxaa ka tagay xiddigo badan oo magac weyn leh xagaagii la soo dhaafay laakiin tababare Diego Simeone ayaa aaminsan in Lucas Hernandez inuu ahaa midkii ugu adkaa isagoo sheegay in bixitaaskiisa uu ka xanuun badnaa kii Antoine Griezmann.

Lucas ayaa ku biiray Bayern Munich isagoo ka soo baxay akadeemiga Atletico Madrid halka Griezmann uu ugu danbeyn ku biiray Barcelona.

“Bixitaankii sida weyn inoo dhaawacay waa Lucas kaasoo ahaa wiil ka soo baxay akadeemigeena” ayuu Simeone u sheegay xalay oo Khamiis aheyd barnaamijka Manu Carreno ee idaacada Cadena Ser.

“Waxay ina dhaawacday in ka badan bixitaankii Griezmann.”

Inkastoo uu dareensan yahay in bixitaanka xiddiga reer France Griezmann uusan si weyn u dhaawicin kooxda hadana Simeone ayaa si fiican uga hadlay weeraryahanka Barcelona.

“Waxaan la hadlay hal mar tan iyo markii uu baxay” ayuu yiri Simeone.

Advertisements

“Waa halkaan halka uu doonayay. Waa nin aan isla weyneyn oo aan hadal badneyn, waa uu degan yahay wuuna faraxsan ahay had iyo jeer.

“Shaki iigama jiro inuu halkaas guulo ku gaari doono, laakiin wax walba waxa ay haatan ku xiran yihiin tababare Valverde ee isaga kuma xirna.”

Comments are closed.