Didier Drogba, Yorke, Heskey Iyo Trezeguet Oo Hoggaaminaya Ciyaar Lagu Taageerayo Dagaalka Dabka Ee Duurka

Advertisements

Halyeygii Chelsea iyo xulka qaranka Ivory Coast ee Didier Drogba ayaa ku biiray xiddigo waaweyn oo hore kubadda uga fadhiistay oo yeelanaya ciyaar saaxiibtinimo oo lacag loogu ururinayo dabka ka holcaya kaymaha duurka dalka Australia.

Haleeyadii hore ee Manchester United iyo Liverpool ee Dwight Yorke iyo Emile Heskey ayaa ku jira laacibiinta ciyaari doona kulankan oo ka dhici doona garoonka weyn ee ANZ ee ku yaalla magaalada Sydney ee waddanka Australia, kaas oo qabsoomi doono maalin Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 23 May, 2020.

Halku-dhegga ciyaartan oo laga dhigay FootballforFires ayaa lacagta kasoo baxda si toos ah loogu wareejin doonaa qolyaha ku hawlan ladagaallanka dabka Austria, waxaana guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta dalkaas oo ka hadlay uu ciyaartan ku tilmaamay mid gaar ah oo xusuus yeelan doonta.

Weeraryahankii hore ee Juventus ee David Trezeguet, Khadkii dhexe ee Manchester United ee Ji-sun Park iyo laacibkii Sunderland iyo Leeds United ee Michael Bridge ayaa ka mid noqon doona ciyaaryahannada maalintaas dheeli doona.

Advertisements

Xiddigo reer Australia ah oo ay ka mid yihiin Mark Bosnich, JOhn Aloisi iyo Simon Colisino ayaa iyaguna qayb ka noqon doona.

Hore waxa loosoo qabtay ciyaaro dhaqaale loogu ururiyey dabka oo tartamada kala duwan ee dalka Australia gudihiisa ah, kuwaas oo lacagtii kasoo baxday gacanta laga geliyey hay’adaha la dagaallamaya dabka.

Comments are closed.