Didier Deschamps Oo Magacaabay Liiska Ciyaartoyda France Ee Wajahaya Albania Iyo Maldova – Yaase Laga Waayay Liiska?

Advertisements

Tababare Didier Dechamps ayaa go’aansaday inuu liiska ciyaartoydiisa wajahaya wadamada Albania iyo Maldova ka reebo Ousmane Dembele, wuxuuna horyaalka La Liga kasoo xushay kaliya lix xiddig kuwaas oo ka kala imaanaya kooxaha kala duwan.

Sidoo kale macalinkaan wuxuu qaranka ka reebay Samuel Umtiti, kaas oo dhawaan kasoo kabtay dhaawac uu muddo kooxdiisa kaga maqnaa.

Ciyaartoyda La Liga laga so xulay: Alphonse Areola, Raphael Varane, Clement Lenglet, Antoine Griezmann, Thomas Lemar iyo Nabil Fekir

Daafaca dhalinyarada ah ee Chelsea (Kourt Zouma) ayaa loo yeeray kadib markii uu bandhig aan caadi aheyn ku sameeyay kooxdiisa, waxaana laga yaabaa inuu safka hore noqdo walow ay liiska kula jiraan Lenglet iyo Varane.

Olivier Giroud marnaba lagama tago, xiddigaan Blues ka tirsan kursiga keydka ayuu wehel la yahay balse waa gooldhaliye ay marar badan ku badbaadeen qaranka difaacanaya koobka Adduunka.

LIISKA CIYAARTOYDA FRANCE OO DHAMEYSTIRAN:

Goalkeepers: Alphonse Areola (Real Madrid), Mike Maignan (Lille) and Steve Mandanda (Marseille)

Daafacyada:

Lucas Digne (Everton), Leo Dubois (Lyon), Presnel Kimpembe (Paris Saint-Germain), Clement Lenglet (Barcelona), Benjamin Mendy (Manchester City), Benjamin Pavard (Bayern Munich), Raphael Varane (Real Madrid) iyo Kurt Zouma (Chelsea)

Khadka Dhexe:

N’Golo Kante (Chelsea), Blaise Matuidi (Juventus), Tanguy Ndombele (Tottenham), Moussa Sissoko (Tottenham) and Corentin Tolisso (Bayern Munich)

Advertisements

Weeraryahan:

Wissam Ben Yedder (Monaco), Kingsley Coman (Bayern Munich), Nabil Fekir (Real Betis), Olivier Giroud (Chelsea), Antoine Griezmann (Barcelona), Thomas Lemar (Atletico Madrid) and Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain).

Comments are closed.