Dibadbaxayaal U Ololeynaya Xornimada Catalonia Oo Qorsheynaya Iney Cuuryaamiyaan Qabsoomidda Kulanka El-Clasico Ee Diseembar – Maxey Sameyn Doonaan?

Advertisements

Dhawaan waxaa la baajiyay kulankii El-Clasico ee lagu balansanaa 26-ka Oktoobar sababo la xiriira iney dibad baxayo rabshado wata ka dhacayeen gobolka Catalonia, waxaana la isku raacay in la ciyaaro 18-ka Diseembar, mar kale ayaase lasoo sheegayaa in kooxo abaabulan ay qorsheynayaan iney ciyaartaas carqalad ku noqdaan.

Sida xogta lagu helay qorshahaan waxaa abaabulaya guddiga difaaca Jamhuuriyadda, kaas oo ah guddi u ololeeya xornimada gobolka Catalonia, sidoo kalana mar walba ka shaqeeya waxa ay ugu yeeraan qaranimada dadka reer Catalan, waxaana laga filan karaa iney sameeyaan waxyaabo layaab leh oo ay adag tahay in la aamino suuragalnimadooda.

Wargeyska El-Mundo ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu horreeya uu yahay in la jaro dhamaan wadooyinka ay gaadiidka ku safraan si looga hortago in ciyaartoyda Real Madrid ay gaaraan Hotel-ka ay jiifsan lahaayeen amaba garoonka, sidoo kalana waxaa la sheegay iney leeyahiin qorshe ay ku abuurayaan cilad koronto oo muuqaal baahiyayaasha ka hor istaagta iney helaan Signal-ka si ay ciyaarta uga tabiyaan Camp Nou.

Advertisements

Ugu dambeyntii, waa waxaan horay u dhicin, Maamulka waxey hadda ka cabsanayaan in xaaladaha nuucaan ah ay sare u qaadi karto dibad baxyada, sidoo kalana ay dhacaan kuwa kale oo lagu taageeraayo siyaasiyiintii u ololeeyay xornimadii gobolka 2017, maadaama dadka gobolka ay aaminsan yahiin in xukun cadaalad darro ah lagu riday sagaal siyaasi oo masuul ka ahaa dhacdadii laba sano ka hor la abaabulay.

Si kastaba cabsi xoog leh ayaa ka imaaneysa gobolka Catalonia iyadoo ku dhawaad 40-maalmood ay ka harsan tahay ciyaarta, sidoo kalana waxaa wali la isku heystaa wakhtiga ay ciyaarta dhaceyso, xiriirka kubadda cagta Spain iyo maamulka La Liga ayaana wali ku kala aragti duwan in la ciyaaro xilliga duhurtii iyo in la ciyaaro habeenkii.

Comments are closed.