Dibad Bax Looga Codsanayo Lionel Messi & Luis Suarez Ineysan Ku Ciyaarin Isreal Oo Ka Dhacay Banaanka Xerada Tababarka Barcelona.

Advertisements

Wax qarsoon maahan in xiisadda u dhaxeysa Isreal Iyo Falastiin ay ku kala qeybsameen siyaasiyiinta, balse sanadahaan dambe waxaa bilowday in kubadda cagta ay soo dhex gasho, maadaama xiriirka kubadda cagta Isreal uu lacago ku bixinayo inuu shaqsiyaad caan ah keeno dalkiisa si ay kulamo kubadda cagta ah ugu ciyaaraan.

Dibad bax ayaa shalay ka dhacay banaanka hore xerada tababarka Balaugrana waxaana labada xiddig ee Messi iyo Suarez looga codsaday ineysan aadin Tel Aviv, arintaan ayaa imaaneysa xilli labada xul ee Uruguay iyo Argentina ay halkaas ku ballansan yahiin 18-ka bishaan.

Dhawaan ayey aheyd markii Isreal ay halyeeyada reer Brazil kulan ugu qabteen wadankooda, balse markaan waxey isku dayi doonaan iney martigaliyaan kulan u dhaxeeya laba ka mid ah wadamada ugu waaweyn kubadda cagta.

“Wali waxaad heysataan wakhti aad ku go’ansataan inaad ka baaqataan” ayey ku qeylinayeen dibad baxayaasha joogay banaanka xerada tababarka Barcelona.

“Ha u ogolaanina Isreal iney idiin adeegsadaan si ay u daboolaan dambiyadooda, kulanka aad ayuu ugu dhaw yahay Gaza, halkaas oo ciyaartoyda si bareer ah looga toogto lugaha, ma waxaad dooneysa inaad ololahaas ka qeyb qaadataan?”

Advertisements

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dibad baxayaal bartilmaameed ka dhiganayaan Lionel Messi, horay ayaa cadaadis looga saaray inuu ku ciyaaro Isreal, waxeyna aheyd maalmahii ka horreeyay koobkii Adduunak 2018.

Sidoo kalana sanadkii 2014 ayuu muujiyay Lionel Messi sida uu u taageersan yahay caruurta reer Falastiin, isagoo muujiyay sida uu ugu rajeynayo in dhibaatadooda ay soo dhamaato.

Comments are closed.