DHIBAATO KALE: Tababarihii Labaad Oo Iska Diiday Barcelona Kaddib Niyad-jabkii Uu U Geystay Xavi Iyo TODDOBA Macallin Oo Ku Jira Liiska Beddelka Valverde

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku jirta dhibaato weyn oo dhinaca tababareyaasha ah kaddib markii ay ku guul-darraysteen Xavi Hernandez oo iska diiday inuu waqtigan noqdo beddelka tababare Ernesto Valverde.

Masuuliyiin ay hor kacayaan Oscar Grau iyo Eric Abidal ayaa Xavi kula kulmay magaalada Doha maalintii Jimcihii, waxaanay kala soo laabteen war aanay ku farxin oo ah in halyeygoodan hore aanu diyaar u ahayn in waqtigan uu qabto shaqada cadaadiska badan ee Barcelona.

Markii uu Xavi ka gaws-adaygay, waxay Barcelona xidhiidh la samayay ROnald Koeman oo hore ugu soo ciyaaray, haddana ah macallinka xulka qaranka Netherlands oo isaguna go’aaan adag u dhiibay.

Koeman oo difaaca uga dheeli jiray Barcelona, waxa uu u sheegay masuuliyiinta kooxdiisii hore in ay ka go’an tahay inuu dhamaysto heshiiska uu xulka waddankiisa ku mamulayo.

Labadan tababare ee ay ku-guuldaraysteen kaddib, Barcelona waxay heshay doorasho ah inay heerka koowaad usoo dallacsiiso macallinka kooxda heerka labaad ee da’yarta oo lagu magacaabi Xavi Garcia Pimienta oo haddii ay waayaan macallin dhamaama ay ku wareejin doonaan masuuliyadda marka ay ka qaadaan Ernesto Valvede oo la filayo in aanu kulan dambe sii hoggaamin doonin kooxda.

Advertisements

Sida ay ku warrantay idaacadda RAC1, Barcelona waxay hadda ka fikiraysaa in ay jagadeeda usoo bandhigto tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga caydhiyey Spurs laba bilood ka hor, kaas oo ay doonayso inay u dirto Ramon Planes oo ah xoghayaha farsamada oo ay isku wanaagsan yihiin Pochettino.

Tababareyaasha kale ee ku jira liiska macallimiinta lala xidhiidhinayo Barcelona waxa ka mid ah Quique Setien oo hore usoo laylyey kooxaha Las Palmas iyo Real Betis, Massimiliano Allegri, Thierry Henry, Erik ten Hag, Marcelo Gallardo iyo Roberto Martinez.

Leave a Reply

Your email address will not be published.