Kooxaha Premier League ayaa sii kordhiyey lacagaha ay siiyaan wakiillada ciyaartoyda 12kii bilood ee ugu dambeeyey, waxaanay ku dareen £9 milyan oo Gini oo kale, xilli lagu jiro musiibada Korona Fayras ee abuurtay dhaqaale la’aanta ba’an ee ku habsatay adduunyada.
Chelsea ayaa noqotay kooxda 12kii bilood ee ugu dambeeyey wakiillada ciyaartoyda ku kharash-garaysay lacagta ugu badan, waxaana xog cusub oo uu daaha ka fayday maamulka Premier League ay kashiftay lacagaha waallida ah ee ay wakiillada ciyaartoydu jeebadda ku shubteen.
Chelsea oo xagaagii lasoo saxeexatay ciyaartoyda ay ka midka yihiin Timo Werner, Kai Havertz, Edouard Mendy, Thiago Silva iyo Ben Chilwell ayaa wakiilladda ciyaartoydan u shubtay lacag kor u dhaaftay £35 milyan oo Gini.
Arrintan oo dhacaysa xilli dunidu la daalaa dhacayso dhaqaale la’aan, waxa layaab noqotay in lacagihii hore ay kooxaha Premier League u siin jireen wakiillada ay labadii suuq ee ugu dambeeyey ay £9 milyan oo Gini dheeraadeen lacagihii ay hore kooxuhu u siin jireen wakiillada ama dhexdhexaadiyeyaasha kala shaqeeya dhamaystirka saxeexyada ay u baahan yihiin.
Warbixintu waxay sheegtay in Chelsea ay muddadii u dhaxaysay February 1, 2020 illaa February 1,2021 ay bixisay lacag gaadhaysa £35,247,822 oo kaliya ay u shubtay wakiillada ciyaartoyda ay lasoo saxeexatay.
Manchester United ayaa kaalinta labaad ku jirta oo iyaduna wakiillada ciyaartoyda ku kharash-garaysay muddada u dhaxaysay waqtiga sare ku xusan lacag ka badan £30 milyan oo Gini, halka Manchester City oo kooxda saddexaad ah ay iyaduna £30 milyan oo waxyar dhiman ay iyaduna bixisay.
United ayaa lacagtan qayb ka mid ah siisay wakiillada Donny van de Beek iyo Alex Telles, halka Man City ay iyaduna lacagtaas u shubtay wakiillada Ruben Dias, Ferran Torres iyo Nathan Ake.
Liverpool ayaa soo gashay kaalinta afraad, waxaana iyadoo lasoo saxeexatay ciyaartoyda Diogo Jota , Kostas Tsimikas iyo Thiago Alcantara ay wakiilladooda siisay lacag dhan £21 milyan oo Gini.
Akhriso sida ay lacagaha u kala bixiyeen kooxuhu:
Kooxda | Lacagta la siiyey wakiillada/dhexdhexaadiyeyaasha |
---|---|
Arsenal | £16,462,480 |
Aston Villa | £8,928,343 |
Brighton | £7,496,038 |
Burnley | £4,458,520 |
Chelsea | £35,247,822 |
Crystal Palace | £6,760,093 |
Everton | £14,071,886 |
Fulham | £9,347,927 |
Leeds | £7,034,943 |
Leicester | £12,518,018 |
Liverpool | £21,652,589 |
Manchester City | £30,174,615 |
Manchester United | £29,801,555 |
Newcastle | £11,349,953 |
Sheffield United | £7,081,018 |
Southampton | £6,804,154 |
Tottenham | £16,520,177 |
West Brom | £4,222,059 |
West Ham | £9,689,567 |
Wolves | £12,598,466 |
Total: | £272,220,223 |
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora