Dhakhtar Sheegay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Marcus Rashford & Haddii Uu Ciyaari Karo Kulanka Arsenal

Advertisements

Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa garoomada ka maqnaan kara ilaa iyo 14 maalmood ka dib markii uu dhaawac ku baxay kulankii Premier League ee ay guuldarada ka soo gaartay West Ham Axadii.

Rashford ayaa garoonka isaga baxay ka dib saacad ay socotay ciyaartii London Stadium iyadoo kooxda Red Devils looga badiyay 2-0.

21 jirkaan ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray gumaarka intii ay ciyaarta socotay waxaana bedelay Jesse Lingard. Waxay aheyd in baaris lagu sameeyo dhaawaciisa Isniintii, inkastoo aan weli la shaacinin natiijada baaritaanka.

Xaalada ugu fiican waxa ay noqon kartaa in Rashford uu soo gaaray dhaawac ah muruqa gumaarka oo cadaadis dareemay sida uu sheegay Dr Leon Creaney oo ah la taliye dhanka isboortiga iyo daawada ee machadka Manchester Institute of Health and Performance oo ku yaala xarunta Manchester City ee Etihad.

Nooca dhaawacan inta badan waxa ay keentaa in ciyaaryahan uu garoomada ka maqnaado sideed maalmood laakiin waxa uu dhaawaca waari karaa ilaa iyo labo isbuuc sida uu dhakhtar u sheegay Daily Express.

Wuxuu sheegay inay calaamad fiican tahay inuu isaga luguhiisa uga baxay garoonka, isagoo xusay in xogta la hayo ay tilmaameyso in ciyaartoyda dhaawacaan uu soo gaaro ay garoomada ka maqnaadaan muddo sideed ilaa 14 maalmood ah.

Advertisements

Rashford ayaa seegi kara kulanka ay isbuuca soo socda garoonka Old Trafford ay ku soo dhaweynayaan kooxda Arsenal iyo sidoo kale kulanka ay u safrayaan Newcastle ee ku xiga.

Laakiin Man United ayaa la filayaa inay war rasmi ah ka soo saarto dhaawaca Rashford markaasoo si dhab ah loo ogaan doono mudada uu garoomada ka maqnaanayo iyo inta uu la egyahay dhaawaciisa.