Kulankii isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee u dhaxeeyay xulalka Ivory Coast iyo Ethiopia ayaa la kansalay maanta ka dib markii garsooraha uu istaagay ka dhacay.
Ivory Coast ayaa 3-1 ku hogaamineysay iyadoo ciyaarta ay mareysay daqiiqadii 80aad markii garsoore Charles Bulu uu dareemay inuu dhacdhacayo taasoo keentay inay ciyaartoyda garbaha ka galaan.
Muuqaal la soo dhigay Twitter ayaa muujinaya garsooraha oo si aayar ah ugu socda dhanka shaqaalaha caafimaadka ka hor inta uusan indhaha isku qabsanin dhulkana ku dhicin.
How it happened pic.twitter.com/IW2gTXSi1p
— Goaldigger®️🎖️ (@betplaceke) March 30, 2021
Bulu ayaa lagu daweeyay garoonka dhexdiisa ka hor inta aan lagu qaadin bareelo iyadoo wararka ay sheegayaan in loo qaaday cusbitaal si baaritaano loogu sameeyo.
Garsoorahaan ayaa loo soo dalacsiiyay kulankaan adag markii garsoorihii ku qornaa ciyaartaan uu ku dhacay Korona Fayras.
Si kastaba, garsooraha afaraad oo ay aheyd inuu ciyaarta dhameystiro madaama Bulu garoonka laga dhex qaaday ayaa awoodi waayay inuu ciyaarta dhameytiro madaama uu u dashay dalka Ivory Coast taasoo keeni laheyd in lagu eedeeyo inuu u janjeero dhanka wadankiisa oo marti loo ahaa.
Ka dib wadahadal badan, caawiyaha garsooraha oo Kenya u dhashay Gilbert Cheruiyot ayaa noqday garsooraha dhexe isaga ayaana dhameystiraty daqiiqadihii ciyaarta ka harsanaa.
Madaama Magagascar iyo Niger ay kulankii kale ee group-kaan ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah, waxaa Koobka Qaramada Afrika ee bisha Janaayo u soo wada baxay Ivory Coast iyo Ethiopia.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

cayarta garsooraha kenya masii wadin mana dhamaystirin ee halkii ayuu kuso gaba gabeeyey warar xaqiiqo ah ayaa la idiin ka fadhiya ee waxan jirin uma qalano
Waxan jooga Djibouti magacayguna Ibrahim Guelleh Wais Kolay wuxu aha wax gooran
Wax goorana lama ceelin karo Cafimad ayan u rajaynaya Garsooraha!!!