Dhacdo Argagax Leh Oo Sababtay In Angel Di Maria La Soo Bixiyo Isagoo U Dheelaya Paris Saint-Germain Xalay

Angel di Maria ayaa la soo bixiyay xilli Paris Saint-Germain ay citaareysay ka dib markii qoyskiisa ay u dhaceen tuugo hubeysan oo halis gelisay naftooda

Advertisements

Mauricio Pochettino ayaa hore u raacay xiddiga reer Argentina halka agaasimaha PSG Leonardo uu u muuqday mid walwalsan isagoo taleefan ku hadlaya.

Ciyaarta ka dib ayaa la ogaaday in guriga Angel di Maria ay u dhaceen tuugo hubeysan xilli qoyskiisa ay guriga joogeen.

Waxaa intaas sii dheer in warbaahinta Faransiiska ee RMC Sport inay sheegtay in dhacdada ay noqotay mid halis gelisay qoyskiisa halka ciyaaryahanka garabka ka ciyaara kaliya aan la bartilmaameedsanin.

Advertisements

Di Maria saaxiibkiisa PSG Marquinhos ayaa isna la bartilmaameedsaday iyadoo tuugo ay u dhaceen xilli waalidkiisa ay joogeen gurigiisa.

Pochettino ayaa kursiga keydka ku soo laabtay wax yar ka dib markii uu qolka labiska u raacay Di Maria iyadoo PSG ay guuldarro lama filaan ah oo 2-1 ay ka soo gaartay Nantes.

Waxaa la rumeysan yahay in dhamaan qoyska xiddiga reer Argentina inay guriga joogeen waqtiga ay dhacdadaan argagaxa leh dhacday oo ay ku jiraan labadii gabdhood ee yaryar.

Xaaskiisa Jorgelina ayaa sidoo kale joogtay gurigooda Paris waqtiga ay tuugada dhacayeen gurigiisa.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Di Maria khibrad u yeesho burcad dhac u geysata gurigiisa.

Markii uu joogay Manchester United, tuugo ayaa u dhacday gurigiisa 31kii bishii Janaayo 2015.

Dhacdadaas ayaa door weyn ka ciyaartay go’aankii uu kaga tagay Red Devils sannad ka dib.

Di Maria ayaa qandaraas cusub u saxiixay PSG horaantii isbuucaan isagoo sannad kale ku darsaday sii joogitaankiisa Parc des Princes.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*