Deynta Lagu Leeyahay Barcelona Oo Gaadhay £1bilyan Oo Gini Iyo Lacagta Waallida Ah Ee Laga Doonayo Sannadkan

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa uu fuulay culays weyn oo dhaqaale oo ah deymo lagu leeyahay oo laga doonayo inay kala-badh ku bixiso sannadkan aynu ku jirno ee 2021.

Lacagta deynta ah ee lagu leeyahay Barcelona ayaa la sheegay inay tahay £1bilyan oo Gini, taas oo haddii loo beddelo lacagta Yurub ee Euro ay kusii kordhi doonto dhawr boqol oo kale.

Kooxda reer Spain ayaa shaacisay intii lagu jiray xili ciyaareedkii hore ee 2019-20 inay noqoto kooxdii ugu horreysay kubadda cagta ee dakhligeeda sannadlaha ah uu gaadho £1 bilyan oo Gini, laakiin filashadaas ayaa si kale isku rogtay, waxaana korona Fayraskii dunida ku habsaday uu keenay in lacagtii ay filaysay inay usoo xerooto in le’eg oo deyn ah lagu yeesho.

Barcelona ayaa shaacisay in khasaare gaadhaya £73.5 milyan oo Gini uu soo gaadhay xili ciyaareedkan halkii ay ka filaysay inay faa’iido hesho.

Sida uu qoray wargeyska kasoo baxa Spain ee La Vanguardia, lacagtan khasaaraha ah ayaa waxay kusii biirtay deyn hore oo lagu lahaa oo ahayd 500 milyan oo Gini oo lacago kaash ah oo ay soo qaadatay ah iyo 400 milyan oo Euro oo kale iyagana lagu yeeshay, taas oo wadarta deynta ka dhigtay £1 bilyan oo Gini.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha cusub ee Barcelona loo dooran doono bishan January iyo guddidiisa maamulku ay xal u raadin doonaan 420 milyan oo Euro oo lacagtaas ka mid ah oo laga doonayo inay ku bixiyaan 12 bilood gudahood, taas oo ah wax aan suurtogal noqon karaynin.

Barcelona ayaa waxay dhowaan ciyaartoydeeda la gaadhay heshiisyo cusub oo ay ku dhimeen kala-badh mushaharooyinkooda oo hore u ahayd 355 milyan oo Euro balse 170 milyan oo ka mid ah ay hadda ka jartay lacagtaas.

Si kastaba, Barcelona ayaa ku jirta mashaqo deyn ah oo ay tahay inay u raadiso xal degdeg ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*