“Dembele Caruur Oo Kale Ayuu Ii Yahay Aniga, Waa Inaad Siduu Yahay Ku Aqbasho” – Ciyaartoy Hore Oo Barca Ah Oo Xog Culus Banaanka Soo Dhigay.

Advertisements

Waraysi uu siiyay wargeyska Sport Bild, Weeraryahankii hore ee kooxda Barcelona ee Kevin Prince Boateng ayaa qaab lama filaan ah uga hadlay xaalada da’yarkii ay kooxdaas kawada tirsanaayeen ee Ousmane Dembele.

Boateng ayaa lix bilood oo amaah ah kusoo joogay Barcelona waxaana uu mudadaas soo bartay wax badan oo ku saabsan kooxdaas iyo waliba dhaqamada kala duwan ee ciyaartoydeeda.

Haatan waxa uu ka warramay xog inteeda badan hore loogu xaman jiray Dembele isaga oo waliba ku sifeeyay inuu yahay sida wiil yar oo kale qofkasta uu ku qasban yahay inuu siduu yahay iyo dabeecadihiisa ku aqbalo.

Qaybta xogta hore loo hayay ee uu ka sheegay Dembele ayaa ah sheekada caanka ah ee in da’yarkan ree France uu markasta kasoo daaho tababarada kooxda iyo waajibaadka kaleba.

KPB oo Dembele ka faaloonaya ayaa yidhi “Dembele sida caruur oo kale ayuu ii yahay aniga, Waxaad u baahantahay inaad ku aqbasho sida uu yahay, Waxa laga yaabaa inuu haatan iyo markaleba xilli dambe yimaaddo tababarka”.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Maxaa Ku Dhacay Tottenham? Spurs Oo Mar Kale La Garaacay, Leicester Oo Kaalinta 2aad Soo Gashay, Xilli VAR Ay Gool Sax Ah Diiday

“Waxa jira ciyaartoy usoo habsaa si ulakac ah laakiin isagu waa mid sidaas ka duwan, Isagu markasta waa sida ilmo yar oo carruur ah”.

Advertisements

“Dhibaatada ayaa ah in tani aysan kaliya ku saabsanayn Dembele, Waa mid ku saabsan xirfadlayaashaas yar yar ee qaata lacag aad u badan, 18 jir maaha inuu afar Milyan qaato xilli ciyaareedkii haddii ay intaas qaataaa waa in lacagta si dhakhso ah dib loo bixiyo”.

“Aniga ahaan wali waxa uu ii yahay wiil yar oo ku dabaalanaya barkad weyn, Isagu waxa uu si dhakhso ah ugu kharash garoobay 150 Milyan (Lacagtay Barca kaso bixisay) walina ma garanayo sida ay waxkasta u shaqeeyaan”.

Comments are closed.