Dejan Lovren Oo Soo Bandhigay Sawir Iyo Qoraalo Qosol Leh Oo Isaga Iyo Mohamed Salah Ay Isagu Direen WhatsApp Maanta

Advertisements

Tababarkii maanta ee kooxda Liverpool ee garoonka Melwood waxaa sawiro looga qaaday Mohamed Salah oo soo bandhigaya awoodiisa jir ahaaneed iyo sida ay murqihiisa caloosha u dhisan yihiin.

Waxaa mar sii horeysay isku sawiro Andy Robertson oo ku maadsanaya Salah iyo sida uu jirkiisa u dhisan yahay, laakiin Mohamed Salah ayaa u muuqda mid ka helay sawirada maanta looga qaaday Melwood ee murqaha calooshiisa ay muuqdaan.

Xiddiga reer Masar ayaa sawir ka mid ah sawiradii laga qaaday maanta waxa uu WhatsApp ugu diray ninka ay saaxiibada dhow yihiin ee daafaca Liverpool Dejan Lovren isagoo raaciyay qoraal ah: “Ohhhh waan ka xumahay si qalad ah ayaan kuugu soo diray”

Lovren ayaase fahmay sababta uu Mo Salah sawirka ugu soo diray, isagoo u qoray jawaabtaan:

“Sawirkaan waa midka aad neefta isku celisay oo aad murqaha cadaadisay madaama aad ogeyd in sawir qaadaha uu banaanka joogay. Waad ceebowday. 16 digrii ayay aheyd banaanka (micanaha qabow ayaa jiray). Laakiin waxba haka walwalin anigaa ku soo dhigaya sawirka.”

Advertisements

Mohamed Salah ayaa u jawaabay isagoo u sheegay inuu ka maseyrsan yahay qaab dhismeedka jirkiisa, waxaana uu u qoray: “Isdeji, looma baahna inaad maseyrto. Isdeji” wuxuuna raaciyay emoji qosol ah iyadoo Lovren uu isna qosol ku jawaabay.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Muxuu Ka Yiri Goolhayihii Sideeda Gool Laga Dhaliyay Maanta Xasuuqii Ay Kala Kulmeen Manchester City?

Lovren ayaa sawir ka qaaday wada sheekeysigooda waxaana uu soo dhigay bogiisa Instagram isagoo ku qoray: “Ku tag-garee saaxiib weli u maleeya in xagaaga uusan dhamaanin @moslah”

Comments are closed.