Iyadoo aysan kooxdiisa Zenit toddobaadkan wax kulan ah ciyaarayn, Dejan Lovern ayaa haystay usbuuc dhammaad fasax uu yahay balse halkii uu maalmaha fasaxiisa si degen u qaadan lahaa bedelkeeda waxa uu balansaday halyeey hore ee ciyaaraha MMA-da ahaa.
Lovern ayaan wax fursad ah oo badan helin markii uu lagdanka la bilaabay ninka ay isku wadanka yihiin ee Mirko Cro Cop kaas oo waayihiisa MMA-da kaga fadhiistay rekoodh ah 38-11-2.
Lovren ayaa muuqaal yar oo lagdanka dhex maray ah soo dhigay bartiisa Instagram, xiddiga kusoo guuleystay Champions League iyo Premier League ayaa ahaa mid si deg-deg ah dhulka loo dhigay.
Cro Cop oo naanaystaas kula baxay shaqadiisii hore ee ahayd inuu ka hawl-gali jiray urur la dagaalama arrimaha argagixisada ayaa si deg-deg ah dhulka u dhigtay Dejan.
Dagaalka ayaa intaas kaddib noqday mid kaliya hal dhinac ka socda, walow uu Lovern u muuqday mid dhibta uu marayo si fiican ugu samri kara haddana waxa uu is dhiibay kaliya 50 il-bidhiqsi kaddib.
Lovern ayaa muuqaalka uu baraha bulshada soo dhigay soo raaciyay qoraal ah “Subaxnimadaan tababar yar ayaan kala hortagay, ala muxuu xoog-wayne yahay ninkani wali, farxad weyn ayay ii ahayd Mirko, mahadsanid”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora