DEG-DEG: Xidhiidhka Yurub Oo Shaaciyey Garoon Aan England & Portugal Midna Ahayn Oo Lagu Ciyaari Doono Kulamada Chelsea vs FC Porto

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey in garoon ku yaalla waddanka Spain lagu qaban doono labada ciyaarood ee kooxaha Chelsea iyo FC Porto ee wareegga siddeedda tartanka Champiosn league.

Advertisements

Chelsea ayay ahayd inay lugta hore u safarto waddanka Portugal oo ay garoonka Estadio Do Dragao kula soo ciyaarto FC Porto marka ay taariikhdu tahay Arpil 7, halka ay lix maalmood kaddibna garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbili lahayd dhiggeeda.

Xayiraadaha xanuunka Korona Fayras ee UK ay soo rogtay, waxa ciyaartoyda Chelsea iyo kuwa FC Porto ay labaduba geli doonaan karantiil haddii ay isku dayaan in mid walba ay garoonka kale kusoo ciyaarto sidii caadiga ahayd, taasina waxay keentay in kulamadan loo raro waddan dhexdhexaad ah oo aanay ciyaartoyda labada kooxood dhibaato kasoo gaadhaynin.

UEFA ayaa go’aamisay in kulamada labada lugood ah ee Chelsea iyo FC Porto lagu ciyaaro waddanka Spain, gaar ahaan garoonka Estadio Ramon Sanchez-Pizjuan oo ay iska leedahay Sevilla.

War-saxaafadeedka ay soo saartay UEFA ayay ku tidhi: “UEFA waxay awoodday inay si rasmi ah u xaqiijiso in kulamada Champions League ee wareegga siddeedda ee lugta hore iyo lugta labaad ee kooxaha FC Porto iyo Chelsea FC, ay ka dhacaan garoonka Estadio Ramon Sanchez-Pizjuan ee Seville. Taariikhda kulamadan (7 April & 13 April, 2021) iyo waliba waqtiga ay bilaabmayaan ciyaaruhu, waxay ahaanayaan sidoodii.

“UEFA waxay u mahad-celinayaa kooxaha FC Porto iyo Chelsea FC taageeradoodii iyo wada-shaqaynta dhow iyo sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta ee Portugal, England iyo Spain iyo waliba kooxda kubadda cagta Sevilla ee ogolaaday in kulamadani ka dhacaan garoonkaas.”

Wareeggii 16ka ee tartanka Champions League oo Chelsea ay wada ciyaareen Atletico Madrid oo ay soo reebtay, ayaa lugtii hroe waxay ku ciyaartay magaalada Bucharest ee waddanka Romania halkii ay kaga dheeli lahayd Wanda Metropolitano oo magaalada Madrid ee waddanka Spain ku yaalla, laakiin lugtii labaad ayay garoonka Stamford Bridge ku wada ciyaareen.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*