Xiddiga Aadka Loo Raadinayay Van de Beek Oo Tijaabada Caafimaadka U Maray Manchester United Xilli Aabihiis Uu Hadlay

Advertisements

Donny Van de Beek ayaa dhameystiray tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan 40 milyan ginni ugu wareegin Manchester United.

Wargeyska The Sun ayaa baahisay goor dhow in xiddiga khadka dhexe ee Ajax inuu tijaabada caafimaadka ku maray dalkiisa Holland, xilli aabihiis uu heshiiska ku tilmaamay mid riyo ah.

Van de Beek ayaa waayi doona lambarka uu ugu jecel yahay marka uu ku biiro kooxda Old Trafford ka dhisan.

Advertisements

Lambarka uu ugu jecel yahay waa No.6 waxaana Man United u xiran Paul Pogba kaasoo ku sii negaanaya kooxda.

Laakiin taasi wax dhibaato kuma ahah heshiiska iyadoo aabihiis Andre uu ka hadlay mustaqbalka wiilkiisa.

Isagoo ka hadlayay heshiiska uu 23 jirka Donny ku wareegayo, Andre ayaa u sheegay shabakada Holland ka soo baxda ee omroepgelderland.nl: “Tani waa riyo rumowday. Waqtigii ugu fiicnaa ayay u tahay isaga inuu ku biiro koox sidaan u qurux badan.

“Kooxo badan ayaa xiiseynayay, laakiin Donny isaga ayaa go’aanka gaaray.”

Donny van de Beek waxa uu seegay kulankii Sabtida ee saaxiibtinimo ee ay Ajax la ciyaartay Eintracht Frankfurt iyadoo tababare Erik ten Hag uu soo jeediyay inay sugayaan sida ay wax noqdaan.

“Waxaan isha ku heynaa sida ay wax ku dhamaan doonaan” ayuu yiri markaas.

Goolhayihii hore ee Manchester United Edwin van de Sar oo agaasime ka ah haatan Ajax ayaa bishii Juun sii shaaciyay in Red Devils ay xiiseyneyso xiddigaan khadka dhexe.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*