DEG DEG: Waqtiga Taageerayaasha Premier League Loo Ogolaanayo Garoomada Xilli Ciyaareedkan Oo La Xaqiijiyay

Taageerayaasha Premier League ayaa loo ogolaan doonaa inay garoomada ku soo laabtaan xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Ra’iasal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa xaqiijiyay in laga bilaabo 17ka May loo ogolaan doono taageerayaasha qaar inay ku laabtaan garoomada kubada cagta.

Waxay taasi la micno tahay in kulamada wareega ugu danbeeya horyaalka inay soo xaadiri doonaan 10 kun taageerayaal ah ama boqolkiiba 25 inta uu garoonka qaado haddii ay ka yar tahay 10 kun.

Waxay sidoo kale war wanaagsan u tahay kooxaha heerka labaad iyo heerka seddexaad kuwaasoo loo ogolaan doono taageerayaasha kulamada Play-offs ee ay ugu soo dalacayaan Premier League iyo Championship.

Advertisements

Kulamada play-off ee heerka labaad, heerka seddexaad iyo heerka afaraad waxay ka dhici doonaan Wembley 29ka bisha May iyadoo garoonka qaranka Ingariiska uu qaado 90 kun taageerayaal ah.

Kulamada Premier League ee taageeraayasha loo ogolaan doono:

These are the final day fixtures will Manchester City already have the title wrapped up?

Tiro yar oo taageerayaal ah ayaa loo ogolaaday garoomada kubada cagta bishii December laakiin sarre u kac ku yimid kiisaska Korona Fayras ee UK ayaa qasab ka dhigtay in mar kale albaabada loo xiro garoomada.

Laakiin haatan rajo ayaa jirta inkastoo ay noqon doonto maalinta ugu danbeysa ee xilli ciyaareedka Premier League.

Madaxa horyaalka Premier League Richard Masters ayaa hore u sheegay in dhaqaale xumada ay sababtay taageero la’aanta inay tahay mid aad u weyn oo aan la maareyn karin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*