DEG DEG: Wakiilka Tababaraha Bedelaya Ernesto Valverde Oo Haatan Soo Gaaray Xarunta Barcelona

Advertisements

Quique Setien ayaa aad ugu dhow in loo magacaabo tababaraha cusub ee Barcelona sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Spain.

Wargeyska AS iyo idaacada Catalan ka howlgasha ee RAC! ayaa sheegaya in wakiilada Quique Setie inay haatan ku sugan yihiin xarunta Barcelona oo ay wadahadal kula jiraan madaxda kooxda.

Ernesto Valverde weli si rasmi ah loogama ceyrinin shaqada inkastoo warbaahinta Spain ay isku raacday in maanta gelinkii hore loo sheegay inuu shaqada isaga tagayo.

ESPN iyo Catalunya Radio ayaa iyagana sheegay in Valverde uu alaabtiisa ka gurtay xarunta Barcelona islamarkaana loo ogolaaday inuu macsalaameeyo shaqaalaha kooxda iyo ciyaartoyda.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee ay Barcelona tababare ceyriyo xilli ciyaareedka oo socda muddo 17 sannadood ah  markaasoo ay ceyriyeen Louis van Gaal sannadii 2003.

Xiddigii hore ee xulka Spain Setien waxaa loo magacaabay tababaraha Real Betis horaantii xilli ciyaareedkii 2017-19 markaasoo uu ku hogaamiyay booska kaalinta lixaad oo aheyd meeshii ugu sareysay ee ay gaaraan ta iyo 2005tii, waxaana uu ku soo celiyay tartamada Yurub markii ugu horeysay muddo shan xilli ciyaareed ah.

Advertisements

Si kastaba, Real Betis ayaa qaab ciyaareed liita gashay lixdii bilood ee ugu danbeysay shaqadiisa tababarenimo, waxaana shaqada tababare ee Betis ka bedelay Rubi.

Setien wuxuu Real Betis ku hogaamiyay inay guulo ka gaarto Barcelona, Real Madrid iyo Milan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay halka ay sidoo kale ka badiyeen Atletico Madrid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.