DEG DEG: Van Dijk Iyo Thiago Alcantara Oo Cusbitaal Loo Kaxeeyay Ka Dib Kulankii Everton

Advertisements

Labada xiddig ee Liverpool Virgil van Dijk iyo Thiago Alcantara ayaa cusbitaal loo kaxeeyay si baaritaano loogu sameeyo ka dib dhaawacyadii ka soo gaaray kulankii Merseyside Derby.

Daafaca Liverpool Van Dijk ayaa dhaawac uu soo gaaray ka dib qalad xun uu ku galay goolhayaha Everton Jordan Pickford qeybtii hore ee ciyaarta.

Halka saxiixa cusub ee Thiago uu isna qalad xun kala kulmay Richarlison kaasoo casaan ku qaatay kulankii barbaraha 22- ku dhamaaday.

Advertisements

Labada xiddig ayaa haatan loo kaxeeyay cusbitaalka si raajo looga saaro lugaha islamarkaana loo ogaado inta uu la egyahay dhaawacooda.

Tababare Jurgen Klopp ayaa isagoo ka hadlayay qaladkii uu goolhaye Pickford ku galay Van Dijk wuxuu yiri:

“Ciyaarta waxay aheyd mid degdeg ah. Aniga ahaan waxay ii aheyd rigoore cad markii aan arkay muuqaalka ka dib waxaan aragnay in calanka uu taagan yahay oo uu offside jiro.

“Laakiin waxaa filayay in la eegi doono qaladka balse taasi ma aysan dhicin.

“Wax awood ah kuma lihin halkaas, halkaan ayaan fadhinaa, haatana waxaad dooneysaan inaan idin kala hadlo.

“Waa inaan su’aalahaan weydiino dad kale.

“Maxaan oran karaa? Ma rabo inaan iraahdo Jordan Pickford si ku talo gal ah ayuu u sameeyay laakiin ma aheyn qalad laga fisho goolhaye.

“Haddii aysan offisde  aheyn, boqolkiiba 100 waa rigoore.”

Isagoo ka hadlayay Thiago, tababaraha Jarmalka ayaa yiri: “Markii aan garoonka ka baxayay, Thiago wuxuu ii sheegay in xaaladiisa uu casaanka ku qaatay Richarlison inuu u maleynayo inuu dhaawacmay.

“Waan arki doonaa haddii ay run tahay ama haddii kale. Haddii ciyaaryahan uu sidaas dareemo, waxaan u baahanahay inaan eegno”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*