DEG-DEG: Valencia Oo Shaqada Ka Eriday Tababaraheedii Kaddib Guul-darradii Villarreal

Kooxda kubadda cagta Vlaencia ayaa shaacisay inay shaqadii ka eriday tababaraheeda Albert Celades, kaddib markii ay guul-darro xanuun badan kala kulmeen Axaddii Villarreal oo ay isku haleeleen garoonka Estadio de la Ceramica.

Guul-darradan oo ahayd tii saddexaad ee Valencia ay la kulanto intii dib loogu soo laabtay horyaalka LaLiga, waxa kasii horreeyey Eibar iyo Real Madrid oo khasaare usoo cambaariyey.

Salvador ‘Voro’ Gonzalez ayaa loo magacaabay inuu noqdo tababaraha sida kumeelgaadhka ah usii laylin doona kooxda lixda ciyaarood ee ka hadhay horyaalka LaLiga.

Voro ayaa hore usoo tababaray Vlaencia sannadkii 2009 oo uu beddelay Ronald Koeman, waxaanu mar kale xilka qabtay markii la caydhiyey Cesare Prandelli.

Shaqo ka eryidda Albert Celades ayaa la sheegay inay isku kaashadeen laba arrimood oo ah guul-darrooyinka iyo kalsoonida qolka lebbiska oo uu lumiyey, iyadoo khamiistii ay isku dhaceen Maxi Gomez oo su’aal ka keenay qaabkii uu tababaruhu u safay kulankii khasaaraha ee Eibar.

13kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ayay Valencia guuelysatay laba jeer oo kaliya, waxaana laga badiyey siddeed ciyaarood halka ay barbarro galeen saddexda ciyaarood ee kaliya.

Celades waxa uu Valencia yimid September 11, 2019 oo uu shaqada ka  beddelay Marcelino oo si lama filaan ah ay kooxdu erigiisa ugu dhawaaqday, laakiin waxa uu isaguna hadda qaaday dariiqa  ninkii ka horreeyey.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*