Tartankii Loogu Jiray Xiddiga Wacdaraha Dhigaya Ee Real Madrid Achraf Hakimi Oo Lagu Kala Calaf-qaaday & Dortmund Oo Uu Daadka Qaaday

Inter ayaa ku dhawaaneysa inay 40 milyan ginni kula wareegto daafaca wacdaraha dhigaya ee Real Madrid Achraf Hakimi xagaagan sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Ginaluca Di Marzio.

Xiddiga reer Morocco ayaa xagaagii 2018 waxa uu heshiis amaah labo sannadood ah ku tagay Borussia Dortmund, wuxuu haatan galayaa bishii ugu danbeysay ee heshiiskaas amaahda ah.

Inkastoo Madrid ay si weyn u qiimeyneyso ciyaaryahanka, booskiida daafaca midig waxaa haatan ka ciyaara oo heysta Dani Carvajal iyadoo ay kooxda joogaan sidoo kale Alvaro Odriozola iyo Nacho Fernandes oo booskaas ka dheeli kara.

Haatan warbaahinta El Chiringuito ee Spain iyo TV-ga Sky Sport Italia ayaa labadaba sheegaya in 21 jirkaan uu ogolaaday inuu u saxiixo kooxda Talyaaniga ee Inter Milan.

Waxaa intaas sii dheer in Nerazzurri ay wadahadal horumar leh oo 40 milyan ginni ah kula jirto Real Madrid iyadoo daafacaan oo saftay 32 kulan xilli ciyaareedkan uu sameeyay 10 caawin ah.

Inter Milan ayaa la dhacday xiddigaan markii uu ka horyimid xilli ciyaareedkan kulankii wareega group-yada Champions League.

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayern Munich ayaa iyagana tartan adag ugu jiray inay la wareegaan, iyadoo Dortmund la filayay inay heshiiskiisa u bedeli doonto mid joogta ah iyagoo u soo bandhigaya mushahar qaali ah.

“Real Madrid ayaa ah koox aan u garanayo gurigeyga” ayuu Hakimi u sheegay Telefoot dhawaan.

“Xaqiiqdii waan ku riyaaqay waqtigeygii halkaas, waxaan halkaas ku soo ciyaaray kulamo badan. Haddii Real Madrid ay dooneyso inaan u laabto, waan laabanayaa. Haddii aysan dooneynin, waxaan u baahanahay koox kale oo weyn.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*