Flamengo Oo War Ka Soo Saartay Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Hakad U Galay Heshiiskii Ay Arsenal Kula Wareegeysay Pablo Mari

Advertisements

Kooxda reer Brazil ee Flamengo ayaa sheegtay in heshiiskii ay Arsenal kula wareegeysay Pablo Mari uu hakad galay madaama Gunners ay daqiiqadii ugu danbeysay ay wax ka bedeshay mid ka mid ah qodobada heshiiska.

Agaasimaha farsamada Arsenal Edu ayaa garoonka diyaaradaha magaalada London ee Heathrow Airport ka soo dejiyay daafaca oo 26 sanno jir ah iyadoo wararka ay sheegayeen in xiddiga reer Spain uu marayo tijaabada caafimaadka.

Laakiin Gunners ayaa haatan seegi karta saxiixa Mari iyadoo agaasimaha kooxda reer Brazil uu shaaca ka qaaday inay eedeeda iska leedahay Arsenal.

Flamengo ayaa sheegtay in madaxda Arsenal ay daqiiqadii ugu danbeysay wax ka bedeleen qodobadii lagu heshiiyay, taasoo u muujisay inuusan dhab ka aheyn heshiiska.

Agaasimaha Flamengo ayaa yiri: “Waxaan durbaba la hadlay Pablo Mari.

“Waxaan fileynaa inuu galabta soo gaaro Ninho Do Urubu si uu tababarka uga qeyb qaato.

“Waxaan ku heshiinay inay lacag cayiman ku iibsadaan, wuxuu tagay London, ka dib Arsenal ayaa wax ka bedeshay qodobadii heshiiska.

“Flamengo waa koox si dhab ah u wajahda xaaladaha.”

Laakiin weli heshiis waa la gaari karaa iyadoo Mari uu mar walba ku laaban lahaa Brazil ka dib markii uu dhameysto tijaabada caafimaadka.

Advertisements

Waxaa la sheegayaa in qodobka ay Arsenal wax ka bedeshay inuu ahaa inay heshiiska u bedeleen amaah iyadoo markii hore lagu heshiiyay inay si joogta ah kula wareegaan.

Gunners waxay haatan dooneysaa inay amaah ku qaadato Mari iyadoo Flamengo ay dooneyso inay si joogta ah u iibiso.

Comments are closed.