DEG DEG: Real Madrid Oo Dalab 70 Milyan + Ciyaaryahan Ka Gudbineysa Xiddiga Ugu Fiican Manchester City

Advertisements

Real Madrid ayaa isku dayaysa inay tijaabiso Manchester City iyagoo dalab gaaraya 70 milyan ginni oo uu la socdo Gareth Bale ku dooneysa xiddiga Ingariiska Raheem Sterling, sida ay goordhow shaacisay Sky Sports.

Sky Sports News ayaa sheegtay in wakiilo ka socda Real Madrid ay daawan doonaan qaab ciyaareedka Raheem Sterling oo u dheela England bisha danbe kulamada Montenegro iyo Kosov ka hor inta aysan go’aansanin inay dalabka si rasmi ah ugu soo gudbiyaan City.

Wakiilka Raheem Sterling ayaa la kulmay agaasimaha guud ee Real Madrid Jose Angel Sanchez xagaagii markaasoo ay Real Madrid ku guuldareysatay inay xiddiga ugu fiican City waqti xaadirkaan keensato Bernabeu.

Si kastaba, madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez ayaa ogsoon in 12 bilood kale oo ay sugaan heshiiska ciyaaryahanka in qiimaha 150ka milyan ginni ee Sterling inuu sarre u sii kici doono.

Advertisements

Manchester City gaar ahaan tababare Pep Guardiola ayaase la fahamsan yahay inuusan xiiseyneynin saxiixa 30 jirka reer Wales Gareth Bale.

Haddii Bale uu koox kale ku biiro ama uu go’aansado inuu iska sii joogo Real Madrid, markaas Perez waxa ay ku qaadan doontaa lacag ku dhow 198 milyan ginni inuu soo xerogeliyo Raheem Sterling waana lacagta rikoodhka adduunka ee ay PSG ku iibsatay Neymar.

One response to “DEG DEG: Real Madrid Oo Dalab 70 Milyan + Ciyaaryahan Ka Gudbineysa Xiddiga Ugu Fiican Manchester City”

  1. Real waxeda wa ciyar ciyar marka ayada wax laga dalbado 200m ee ku dhahayan koxaha kle doqomo miya ayaga sterling 70 plus bale mac naha bale aka qima badan miyaa sterling no way. Hada sterling lagu aimayay 70 bale waa 90 miaya ama 80 ilen aima suqa hada ee sterling kama yaree 150m.