DEG DEG: Mid Ka Mid Ah Kooxaha Ugu Waa Weyn Yurub Oo Tababarihii Iska Ceyrisay

Dhowr warbaahin oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn Yurub iyo kubada cagta ayaa sheegaya in Paris Saint-Germain ay ceyrisay tababaraha Jarmalka Thoma Tuchel.

Advertisements

Paris Saint-Germain ayaa kaalintya 3aad kaga jirta horyaalka Ligue 1, waxayna xilli ciyaareedka ku bilowdeen si isku dhafan oo xumaan iyo samaanba leh.

Waxaa in muddo ah socday xan ku saabsan mustaqbalka tababare Tuchel iyadoo haatan warbaahinta kala ah Sky Germany, Bild iyo RMC Sport ay intaba xaqiijiyeen in PSG ay ceyrisay macalinka reer Jarmal.

Talaabada ay qaaday PSG ayaa la filayaa inay amakaak ku noqon doonto ciyaartoyda PSG madaama ay uu Tuchel ahaa nin taageero weyn ka heysta qolka labiska si la mid ah sidii uu Ancelotti taageero uga heystay ciyaartoyda kooxda.

Ceyrintiisa waxay ku soo aadeysaa xilli PSG ay xalay 4-0 ku garaacday kooxda Strasbourg.

Tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu ku laabanayo kooxdiisa hore inkastoo macalinka reer Argentina lagu xamanayay inuu doonayo inuu Ole Gunnar Solskjaer ka bedelo shaqada Manchester United.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*