DEG DEG: Man United vs Man City – Isku Aadka Semi-finalka Carabao Oo La Soo Saaray & Taariikhda La Ciyaarayo

Waxaa goordhoweyd la qabtay isku aadka wareega afar dhamaadka koobka Carabao Cup iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso badan.

Advertisements

Kooxaha xafiiltanka weyn uu ka dhaxeeyo ee Manchester United iyo Manchester City ayaa la isku aadiyay semi-finalka Carabao Cup.

United waxay caawa ka soo talaabsatay Everton halka City ay xalay soo dardartay Arsenal, waxayana labadaan kooxood ku balansan yihiin Old Trafford bisha Janaayo ee sannadka soo socda.

Kulanka kale ee semi-finalka waxa uu u dhaxeeyaa kooxda Tottenham oo caawa ka soo gudubtay Stoke City iyo kooxda yar ee Brentford oo iyadana xalay soo garaacday Newcastle.

Semi-finalka Carabao Cup ayaa noqday labo derby, kan hore oo ah Manchester Derby iyo kan labaad oo ah London Derby:

Kulanka Manchester Derby waxa uu ka dhacayaa garoonka Old Trafford 4ta bisha Janaayo, waana kulan hal lug ah.

Semi-finalka Carabao Cup:

Man United vs Man City

Tottenham vs Brentford.

Semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa bisha Janaayo, halka finalka oo markii hore ku jadwaleysnaa dhamaadka bisha Febraayo dib loo dhigay ilaa iyo dhamaadka April iyadoo rajo laga qabo in waqtigaas taageerayaal loo ogolaado garoonka Wembley.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*