DEG DEG: Man United Oo Madax Cusub Yeelatay, Ed Woodward Oo Laga Wareejiyay Mas’uuliyadii Suuqa Kala Iibsiga & Fletcher Oo Agaasime Laga Dhigay

Manchester United ayaa isbedel weyn isku sameysay iyagoo magacaabay markii ugu horeysay abid agaasimaha kubada cagta oo loo magacaabay John Murtough.

Advertisements

Ciyaaryahankii hore Darren Fletcher ayaa isna la siiyay shaqo cusub isagoo loo magacaabay agaasimaha farsamada.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka guud ee kooxda Ed Woodward ayaa yiri: “Kuwaani waa magacaabis aad u weyn oo sii xoojineysa horumarka ay kooxda sameyneysay sannadihii ugu danbeeyay iyo sida aan kala joogsi laheyn ee aan u raadineyno guusha.

“Waxaan talaabo horumar leh u qaadnay dhanka maareyn kubadeena, waxaana faa’idadeeda ka arkeynaa tayada ka soo baxeysa akadeemiga ee ku jirta kooxda koowaad halka aan sidoo kale horumarinayo soo xerogelinta ciyaartoyda cusub.”

Advertisements

Man United ayaa markii ugu horeysay yeelatay agaasime kubada cagta ah oo kala wada howsha kooxda ee maalinlaha ah iyadoo howshaas uu markii hore hayay Ed Woodward.

Agaasimaha kubada cagta ee la magaacabay John Murtough ayaa howshiisa ay noqon doontaa mid la xiriirta suuqa kala iibsiga, ciyaartoyda kooxda imaaneysaa, kuwa ka tagaya, wuxuuna si dhow u la shaqeyn doonaa tababare Ole Gunnar Solskaer.

Waxaa isna la magacaabay markii ugu horeysay agaasime farsamo oo loo magacaabay Darren Fletcher kaasoo isna si dhow u la shaqeyn doonaa Solskjaer isagoo sidoo kale la talin doona waaxyaha kala duwan ee kooxda gaar ahaan waxyaabaha la xiriira kubada cagta.

Magacaabista labadaan jago ee lagu soo kordhiyay kooxda ayaa waxay howsha ka yareyneysaa Ed Woodward kaasoo hadda iyo wixii ka danbeeya aan saameyn weyn ku yeelan doonin suuqa kala iibsiga, waxayna shaqadiisa ku koobnaan doontaa maamulka guud iyo arimaha kobcinta dhaqaalaha kooxda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*